Antalya, Turkiga – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga adeegyada bulshada iyo siyaasadaha ilaalinta qoyska, kaas oo sidoo kale mudnaan siinaya xuquuqda haweenka iyo carruurta iyo daryeelka dadka naafada ah iyo waayeelka.
Heshiiska waxaa magaalada Antalya ku kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Marwo Mahinur Özdemir Göktaş.
Is-afgaradkan ayaa ujeeddadiisu tahay adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta labada wasaaradood, gaar ahaan is-weydaarsiga aqoonta, khibradaha iyo hababka wanaagsan ee loo maareeyo adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale xoogga saarayaa ilaalinta qoysaska iyo xoojinta qaab-dhismeedka bulshada, iyadoo la tixgelinayo kaalinta qoysku ku leeyahay horumarka iyo xasilloonida bulshada.
Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka. Waxaa si gaar ah loogu daray ilaalinta carruurta ee khataraha ay kala kulmi karaan deegaannada dhijitaalka ah.
Heshiisku waxa kale oo uu daboolayaa horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta ee dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah. Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan tababarro, shirar, siminaarro iyo is-weydaarsiga khubarada, si loo taageero wadaagista aqoonta iyo khibradaha adeegyadaas.
Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in heshiisku muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya. Waxay adkaysay in wasaaraddu ay ka go’an tahay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga khibradaha dalalka saaxiibka ah, gaar ahaan Turkiga, si loo horumariyo ilaalinta qoyska iyo xuquuqda qaybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed.
Intii ay ku sugnayd Antalya, wasiirku waxay sidoo kale khudbad ka jeedisay kulan dhinac socday Shirka COP31. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa kala-guur caddaalad ah oo ku dhisan ilaalinta bulshada, adeegyada daryeelka iyo awood-siinta haweenka.
Khudbaddeeda, waxay kaga hadashay saameynta ay isbeddellada cimiladu ku leeyihiin Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u xustay abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee saameeya nolosha qoysaska, haweenka iyo carruurta.
Wasiirka ayaa ku adkaysatay in maalgelinta wax looga qabanayo isbeddelka cimiladu ay gaarto bulshada nugul, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska ku nool miyiga. Waxay sidoo kale xustay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo barnaamijyada badbaadada bulshada iyo taageerada qoysaska ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.
Waxay ugu baaqday dhinacyada ku hawlan arrimaha cimilada inay haweenka ka qayb geliyaan dejinta siyaasadaha, isla markaana aqoonsadaan kaalintooda la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkaysiga bulshada.
![]()













