ABUJA — Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga qaybgalay Shirweynaha Guud ee 48-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tartamada, xoojinta iskaashiga iyo joogteynta dhaqaalaha kubadda cagta qaaradda.
Cali Shiine, oo sidoo kale ah Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), ayaa Soomaaliya ku matalay shirweynaha, oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee 54-ka xiriir ee xubnaha ka ah CAF.
Shirka waxaa guddoominayay Madaxweynaha CAF, Dr. Patrice Motsepe, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, iyo wakiillo ka socday xiriirrada kubadda cagta ee qaaradaha kale.
Ergada ayaa ka wada hadashay xaaladda guud ee kubadda cagta Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta xiriirrada xubnaha ka ah CAF. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu eegay horumarinta tartamada qaaradda iyo sidii loo xaqiijin lahaa dhaqaale joogto ah oo taageera kobaca kubadda cagta.
Intii uu shirweynuhu socday, CAF ayaa ku dhawaaqday inay samaysay kobac maaliyadeed oo xooggan, isla markaana ay kordhay kaalmada la siiyo xiriirrada xubnaha ka ah. Hay’addu waxay horumarkaas ku xiriirisay isbeddellada dhaqaale ee ay samaysay shantii sano ee la soo dhaafay.
Dhinaca maamulka, ergadu waxay dib u eegis ku samaysay warbixinta waxqabadka sannadkii la soo dhaafay, miisaaniyadda iyo xisaabaadka la hubiyay. Waxa kale oo laga hadlay wax-ka-beddelka xeerarka CAF iyo qorshayaasha horumarinta kubadda cagta Afrika ee sannadka soo socda.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada SFF ee xoojinta xiriirka hay’adaha kubadda cagta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah. Dadaalladaas ayaa sidoo kale ku wajahan sidii kubadda cagta Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd barnaamijyada horumarineed iyo fursadaha ay bixiyaan CAF iyo FIFA.












