• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Sunday, September 27, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
February 7, 2026
in Sports, WARARKA MAANTA
0
Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA
0
SHARES
12
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed, oo loo yaqaan (Cali Shiine), ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), kaddib markii ay si guul leh u qabsoontay Shirweynaha Guud ee Doorashada CECAFA, kaas oo lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirweynahan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax sare iyo wakiillo ka kala socday Hey’adaha kubadda cagta ee caalamka iyo qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin FIFA, CAF iyo CECAFA, kuwaas oo si dhow ula socday hannaanka doorashada hoggaanka cusub ee ururka, laguna ansixiyey xubnaha ka mid noqonaya golaha fulinta ee CECAFA.

Doorashada Mudane Cali Shiine ayaa si cad u muujinaysa kalsoonida buuxda ee ay xiriirrada kubadda cagta ee dalalka xubnaha ka ah CECAFA ku qabaan hoggaankiisa, khibraddiisa iyo doorka firfircoon ee uu Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ka ciyaaray dib-u-dhiska, horumarinta iyo kor u qaadista kubadda cagta dalka iyo guud ahaan gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, oo uu hayn doono muddo afar sano ah, ayaa la filayaa in uu Mudane Cali Shiine kaalin muuqata ka qaato xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ururka, horumarinta iyo tayeynta tartamada heer gobol, kobcinta barnaamijyada tababarka ciyaartoyda, tababarayaasha iyo garsoorayaasha, iyo hagaajinta hannaanka maamulka iyo maamul-wanaagga kubadda cagta ee gobolka.

Sidoo kale, xilkan cusub ayaa fursad u noqonaya in kor loo qaado matalaadda Soomaaliya ee goleyaasha hoggaamineed ee kubadda cagta gobolka, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, si ay uga mid noqoto aaladaha mideeya dhalinyarada, dhiirrigeliya nabadda, isla markaana gacan ka geysta horumarinta bulshada.

Doorashada Cali Shiine ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay kubadda cagta Soomaaliya, taas oo muujinaysa horumarka iyo dib-u-soo-noqoshada muuqata ee uu Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku tallaabsaday sannadihii u dambeeyay.

Previous Post

Faahfaahin ku saabsan kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka Safaaradda Mareykanka

Next Post

Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News