• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Saturday, September 26, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Faahfaahin ku saabsan kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka Safaaradda Mareykanka

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
February 7, 2026
in WARARKA MAANTA
0
Faahfaahin ku saabsan kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka Safaaradda Mareykanka
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo mudnaan gaar ah u leh labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga guud ee dalka, la-dagaallanka argagixisada, xoojinta hay’adaha amniga, iyo taageerada Dowladda Maraykanka ee ku aaddan tababarka, qalabaynta iyo tayeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, guulaha laga xaqiijiyey deegaanno badan oo laga xoreeyay cadowga, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni siyaasadeed. Waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Dowladda Maraykanka ay ka qaadanayso taageerada joogtada ah ee la siiyo Ciidamada Qaranka, taas oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga iyo ilaalinta qarannimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay leedahay in laga ciribtiro kooxaha xagjirka ah dhul-beereedyada dalka, si loo xaqiijiyo isku-filnaansho dhanka cunnada ah, kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha, loona abuuro jawi ku habboon maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda. Waxa uu caddeeyay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada, iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Danjire Justin Davis ayaa si gaar ah u adkeeyay in Dowladda Maraykanku ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo dan wadaag istiraatiiji ah.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa si faahfaahsan looga wada-hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka, gaar ahaan saameynta abaaraha iyo baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan malaayiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay hirgelisay qorshayaal ballaaran oo lagu wajahayo xaaladaha adag, kuwaas oo ku saleysan isku-tashi qaran iyo wada-shaqeyn caalami ah, isaga oo ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah in ay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Previous Post

Xildhibaanada Labada Aqal oo ka tashaday wax ka bedelka cutubka afraad ee Dastuurka KMG ah

Next Post

Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News