Muqdisho — Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa bilaabay wadatashiyo dalka oo dhan ah oo lagu ballaarinayo fahamka bulshada iyo taageerada ku aaddan in Soomaaliya ay ku biirto Heshiiska Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ka dhanka ah Haweenka, oo loo yaqaan CEDAW.
Wadatashiyadan, oo ka furmay Muqdisho, kana socda meelo kala duwan oo dalka ah, ayaa isu keenaya hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillada bulshada. Waxaa looga hadlayaa waxa heshiisku ka kooban yahay, habka loogu biiro iyo muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay.
NUSOJ ayaa kulamadan qabanqaabinaya iyadoo taageero ka helaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Haweenka ee UN Women iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, ahna ku-simaha wasiirka, Maxamed Cismaan Cumar, ayaa furitaanka ka sheegay in wadatashiyadu gacan ka geysan karaan dood ku dhisan xog cad oo ay qaybaha kala duwan ee bulshadu ka qaybqaataan.
“Ka fiirsashada Soomaaliya ee ku biirista CEDAW waxay u baahan tahay xog cad iyo wada-hadal wax ku ool ah oo bulshada oo dhan ka dhex dhaca. Wadatashiyadani waxay fursad u yihiin in heshiiska si furan looga doodo, lana eego sida habka ku biiristu u taageeri karo ilaalinta xuquuqda haweenka, iyadoo la tixgelinayo duruufaha Soomaaliya,” ayuu yiri.
Maareeyaha Barnaamijka UN Women ee Soomaaliya, Rukaya Mohammed, ayaa dhankeeda sheegtay in wada-hadalku ka caawin karo bulshada iyo hay’adaha inay fahmaan heshiiska iyo tallaabooyinka loo marayo ku biiristiisa.
“Wada-hadal ku dhisan xog-ogaalnimo wuxuu bulshada iyo hay’adaha ka caawiyaa inay fahmaan waxa CEDAW yahay iyo sida habka ku biiristiisu u shaqeeyo. Wadatashiyadani waxay fursad siinayaan su’aalaha, waxay wax ka qabanayaan fahamka khaldan, waxayna doodda ku soo darayaan aragtiyo kala duwan, taas oo gacan ka geysanaysa horumarinta geeddi-socodka ku biirista,” ayay tiri.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa sheegay in kulamada laga ururin doono talooyin wax ku ool ah oo lagu saleeyo tallaabooyinka xiga. Waxa uu tilmaamay in ka qaybgalayaashu ay heli doonaan fursad ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo walaacyadooda.
“Ujeeddadu waa in la hubiyo in dadku ay ka qaybqaadan karaan doodaha, soo bandhigi karaan waxyaabaha ay ka walaacsan yihiin, kuna biirin karaan fikrado. Talooyinkoodu waxay gacan ka geysan karaan dejinta qorshe hawleed ka tarjumaya duruufaha Soomaaliya, taageerayana dadaalka dalka ee ciribtirka dhammaan noocyada takoorka ka dhanka ah haweenka, iyadoo lagu biirayo heshiiska,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.
Kulamada waxaa lagu soo bandhigayaa mabaadi’da CEDAW iyo habraacyada ku biiristiisa, waxaana ku xiga doodo la hagayo iyo hawlo kooxeed ay ka qaybgalayaashu ku wada falanqaynayaan arrimaha la soo jeediyey.
Doodaha ayaa sidoo kale lagu eegayaa su’aalaha iyo walaacyada la xiriira heshiiska, iyadoo la tixgelinayo dastuurka Soomaaliya, fiqiga Islaamka iyo qiyamka dhaqanka bulshada.
Talooyinka ka soo baxa wadatashiyadan ayaa la doonayaa in loo adeegsado diyaarinta qorshe hawleed qeexaya tallaabooyinka lagu horumarinayo ku biirista Soomaaliya ee CEDAW.
![]()












