Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee difaaca Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Waxa kale oo ay falanqeeyeen marxaladda kala-guurka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, iyo arrimo la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal ay dhinacyo shisheeye u maleegayaan waxyeellaynta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyadaas.
Wasiirku ma magacaabin dhinacyada uu eedeynta u jeediyey, mana bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qorshayaasha uu sheegay. Hase yeeshee, waxa uu ku adkeystay in dowladda aysan oggolaan doonin in dalka laga hirgeliyo ajandayaal uu ku tilmaamay kuwo ka hor imaanaya danaha qaranka, amniga iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dhanka xiriirka labada dal, Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada ay siiso Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey mowqifka Beijing ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.













