Buurhakabo, Baay — May 19, 2026 — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo ee gobolka Baay, halkaasi oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo aad u adag oo saameyn xooggan ku yeeshay shacabka deegaanka, gaar ahaan qoysaska nugul iyo barakacayaasha.
Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha samafalka iyo gargaarka caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.
Intii uu wafdigu ku sugnaa degmada Buurhakabo, waxaa si rasmi ah looga daahfuray gargaar bani’aadannimo oo loogu talagalay 2,500 oo qoys oo danyar ah, kuwaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha. Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta, barakaca iyo dhibaatooyinka nololeed ee ka jira deegaannada gobolka Baay.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo maamulka degmada, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa gurmadka bani’aadannimo, loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah dadka ay xaaladuhu saameeyeen, isla markaana loo mideyn lahaa dadaallada dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah.
Guddoomiyaha SoDMA iyo xubnaha wafdiga ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla degmada Buurhakabo, halkaasi oo ay si dhow ugu kuurgaleen xaaladaha adag ee nololeed ee ay wajahayaan qoysaska barakacay. Waxay sidoo kale booqdeen isbitaalka weyn ee degmada, iyagoo warbixinno ka dhageystay maamulka caafimaadka iyo baahiyaha degdegga ah ee dhinaca adeegyada caafimaadka.
Mas’uuliyiinta ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo taageerada bani’aadannimo iyo in gargaar degdeg ah lala gaaro shacabka tabaaleysan, iyadoo sidoo kale la adkeynayo iskaashiga ka dhexeeya dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah.
Waxaa soo tebiyay: Osman Jama
![]()
![]()














