Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Anigoo ah Eng. Ismaaciil Axmed Sheekh (Nuune), waxaan aaladda warbaahinta bulshada idin kugu soo gudbinaa taarikh nololeedka Aabbahay oo ka mid ahaa aasaasayashii Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo dhowr sawir oo guud ahaan xambaarsan xusuus taariikheedka Aabahay. Ilaahay aan kawada barino waalidkeena inta dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Firdowsa ha ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Londan ee dalka Ingiriiska maalintay taariikhdu ahayd Disember 22, 2025ki, ku geeriyooday Allaha u naxariistee G/le Sare Axmed Sheekh Xasan oo ku magac dheeraa “Axmed Hareed” oo ka mid ahaa aasaaseyaashii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo ku dhashay degmada Ceelbuur sannadkii 1939, oo waagaa ka tirsanayd Gobalka Mudug, isla degmadaasna 1954, Qur’aanka Kariimka ah ku dhameeyay dugsigii Macallim Cabdulle Faarax “Dhibac” oo Aabbe u ahaa G/le Sare duuliye Ismaaciil Macallim Cabdulle “Ismaaciil Foojaar”, halka isla sannadkaasna Aabbe Axmed degmadaas uga baxay dugsigii hoose.

Intii u dhexeysay sannadihii 1950 ilaa 1954, Aabbe Axmed wuxuu ka mid ahaa Ubixii Horseedka Leegada Ceelbuur, gaar ahaan xubnihii ka shaqayn jiray faafinta iyo qaadista heesaha waddaniga ah ee Xisbigii SYL ku baraarujin jiray wacyiga iyo dareenka qaranimo ee bulshadii Soomaaliyeed ee degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku hareeraysnaa. Aabbe Axmed wuxuu ii sheegay in xilligaas aysan weli jirin heesta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee “Soomaaliyeey Toosoo”, balse ay jireen heeso kale oo aad uga horreeyay, kuwaas oo lagu furi jiray laguna soo afjari jiray shirarka Xisbiga Leegada ee habeenada Axadda iyo kulammada guud ee xisbigu isugu iman jiray. Heesahaas waxaa ka mid ahaa kuwo Af-Carabi ku qornaa sida “Yaa Ayuhaa Soomaaliya”, iyo kuwo Af-Soomaali ah, kuwaas oo ay ugu caansanayd heesta: “Hal-ahaanshoow hal-ahaad, hal-ahaad, maanta waa maalintii hal-ahaad,” ereyga hal-ahaad oo macnaheeda yahay midnimo.
Sannad dugsiyeedkii 1954–1955, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho ka bilaabay magaalada Muqdisho, isagoo galay Machadkii Soomaaliya ee loo yiqiin “Colleggio Somalia.” Machadkan waxaa wax ka baran jiray ardayda ka iman jirtay gobollada ka baxsan Gobolka Banaadir, kuwaas oo aan hoy rasmi ah ku lahayn magaalada Muqdisho. Arday kasta Machadku wuxuu bishii ka qaadi jiray lacag dhan 60 lixdan shilin. Xilligaas, machadka wuxuu ku yaallay degmada Xamar Jab-Jab, isla goobta uu ka dhisan yahay Dugsiga Sare ee Raage Ugaas, oo ku dhow Dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho. Isla waqtigaas, Aabbe Axmed wuxuu sidoo kale dhigan jiray Dugsigii Farsamada Gacanta ee loo yaqaanay “Ex. Scuola Industriale”.

Ciidanka Cirka ee “Reparto Aviazione Somalo” Oktoobar 1957
Intii u dhexeysay sannadihii 1957–1960, maaddaama howlaha farsamaynta iyo dayactirka diyaaradaha ay u baahnaayeen tababar dheer iyo khibrad muddo fog lagu kasbado, ayna ka harsanayd ku dhowaad saddex sano xilligii gobannimada Soomaaliya, ayaa Ciidanka Cirka Talyaaniga ee ku sugnaa koonfurta Soomaaliya waxay qaadeen tallaabo ay ku doonayeen in ay ku helaan kaadir aqoon xirfadeed hore u lahaa. Sababtaas awgeed, waxay ka bilaabeen Dugsigii Farsamada Gacanta (Ex. Scuola Industriale) xulashada ardaydii ka qalin jebisay, iyagoo doortay kuwii ugu sarreeyay dhanka dhibcaha. Xulashadaas waxaa ka mid noqday 20 arday, waxaana ku jiray Aabbe Axmed. Sidoo kale, waxaa lagu daray saddex arday oo laga soo xulay dugsiyada kale oo dalka ku yaallay, ee aan farsamada ku takhasusin. Intaa waxaa dheer, waxaa jiray sagaal askari oo isugu jiray Saraakiil Xigeenno, Horjoogeyaal iyo Dabley, kuwaas oo Ciidanka Cirka Talyaanigu dhowr sano ku tababareen gudaha dalka, qaarkoodna ay ka qalin jebiyeen isla Dugsigii Farsamada Gacanta.

Ardayda rayidka ah ee tiradoodu ahayd 23 qof, kaddib markii lagu sameeyey baaritaanno caafimaad oo dhammaystiran, kuwa guud iyo kuwo gaar ahba, kuwaas oo lagu hubinayey u-qalmitaankooda xirfadda farsamayaqaannada diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka, ayaa dhammaantood ku guulaystay. Maalintii ay taariikhdu ahayd 5-tii Noofembar, 1957, waxaa loo qaatay Qaybta Duulista Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee “Reparto Aviazione Somalo”, iyadoo lagu daray sagaal askari oo hore uga tirsanaa Hoggaanka Ciidanka Cirka. Sidaas awgeed, ardaydaas oo wadartoodu noqotay 32 arday, waxay noqdeen dufcaddii ugu horreysay ee farsamayaqaannada Ciidanka Cirka, kuwaas oo ay wadajir u direen Maamulka Wasaayaddii Talyaaniga ee Afis iyo Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya si ay waxbarasho ugu qaataan dalka Talyaaniga. Taasi waxay dhacday 7-dii Noofembar, 1957, waxaana si gaar ah loogu diray dugsiga tababarka farsamayaqaannada Ciidanka Cirka Talyaaniga ee “Scuola Specialiste della Aeronautica Militare”.

Bartamihii bisha Nofember, waxaa loo bilaabay tababar ka kooban barashada cilmiga tiyoorida diyaaradaha iyo farsamada baraatikada oo labaduba lagama maarmaan u ah dayactirka diyaaradaha. Tababarka Tiyoorida waxay ku qaateen maadooyinka Aerodnamics, nidaamyada diyaarada, xeerarka duulista iyo habraacyada dayactirka diyaaradaha kuwaas oo loogu diyaarinaayey farsamada baraatikada. Tababarka baraatikada waxay ku qaateen habka dayactirka diyaaradaha iyadoo la adeegsanaayo isku dhafka daruusta tiyoorida iyo farsamada baraatikada gacanta ee dhamaan daboolaya hababka kormeerida, cilad baarista, furfurka, cilad bixinta, wax ka badelka, rakibaada, tijaabinta iyo isticmaala buugga diiwaanka dayactirka diyaarada si waafaqsan heerka sharciga ee warshada.

Bidix, safka fadhiya qofka 1aad waa Aabbe Axmed iyo kooxdii farsamada Matoorka oo hortaagan diyaarad dagaal oo Jet ah (F-86 Sabre). Kooxda Matoorka waxay qateen tababar ku saabsan farqiga u dhexeeya Matoorada Piston-ka iyo kuwa Jet-ka ah, iyadoo loo maraayo koorsooyin taxane ah oo kor loogu qaadayo kasmadooda xagga aqoonta farsamada taasoo u suurta gelinaysa inay ugu faa’iideeyaan ciidanka, marka ay dib ugu laabtaan dalka, kana hawlgalaan diyaaradaha gaadiidka Ciidnka Cirka Soomaaliya, kuwaas oo loo adeegsan jiray qaadista Rakaabka iyo Xamuulka kala duwan, sida ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo dadweynaha Rayidka ah, iyagoo isku xiri jiray lixdi gobol ee xiligaa ka koobna Koonfurta Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay 1961-1962, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho u tagay dalka Masar, taas oo la xiriirtay barashada farsamada diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa Jet-ka ah. Waxa uu ku takhasusay matoorada “Turbojet engines” ee saaran diyaaradaha loo yaqaan de Havilland DH.100 Vampire, kuwaas oo dalka Masar 1962–1963 ugu deeqday Soomaaliya saddex ka mid ah. Sidoo kale, Aabbe Axmed wuxuu isla korsadaas ku takhasusay matoorada iyo haykalka diyaaradaha Ilyushin IL-14, kuwaas oo adeegsan jiray matoorada Tibleyda “Piston engines”. Diyaaradaas waxaa Masar u adeegsan jirtay xagga xamuulka ciidammada iyo tababarka ciidammada komaandooska ee dallaayadaha ku booda.

Intii u dhaxaysay 1963-1972, Aabbe Axmed waxaa loo magacaabay Madaxa Adeegga Waxtarka Diyaaradaha “Capo Servizio Efficienza Dei Velivolo”, isaga oo xilka kala wareegay Dayax Cadaawe Cali, oo ahaa madaxii farsamayaqaanada Raxanta Diyaaradaha Gaadiidka ee Ciidanka Cirka. Xiligaa waxaa Raxanta ku qalabaysna diyaaradaha C-45, C-47, DC-3, AT-6, DH.100 Vampire, Al-Gomhuria iyo Helio Courier. Farsamayaqaanada waxay xil iska saari jireen in diyaaradahaasi had iyo jeer noqdaan kuwa diyaar u ah in lagu duulo. Raxantaas ayaa ahayd tii ciidanka Cirka ku abtirsan jiray, door weyna ka qaadatay dagaalki 1964. Taliyihii Ciidanka Cirka
duuliye Cali Mataan Xaashi ayaa farsamayaqaannadaas ugu magac daray “Saaxireentii Diyaaradaha Dakota ama DC-3”. Waxaa kale oo diyaaradahaas loogu yeeri jiray magaca dheer ee diyaaradaha boostaalaha, kuwaas oo usbuuc walba isku xira jiray caasimadda iyo sideed Gobol ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Jagadaas ayaa Aabbe hayey ilaa 1972, markii qalabka lagu dayactiri jiray diyaaradaha Dakota uu dunida gabaabsi ka noqday, taaso keentay in diyaaradahaas hawlgab laga dhigo.

Sanadkii 1969, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho u tagay dalka Talyaaniga, gaar ahaan dugsiga Ciidanka Cirka Talyaaniga ee magaalada Latina, oo ku magaca dheer “Basic and Advanced Propelled School”. Tababarka wuxuu la xiriiray habka diyaaradaha Dakota DC-3 loogu sameeyo dayactir culus (overhaul) iyo sida agabka saaran diyaaradahaas dib loogu dayactiro, kadibna loogu soo celsho xaalad cusub. Dayactirka buuxa wuxuu dhaca marka Matorka diyaarada Dakota uu gaaro xadka cayiman ee istimaalka kalandarka ama xadka saacadaha duulimaadka sida markay diyaarada duusho1500 oo saacadood. Sidoo kale mudda tababarka socday Aabbe wuxuu qaatay koorsooyin dhameystiran oo ku saabsan aqoonta iyo xeerarka u qalmitaanka ammaanka diyaarada, hababka dayactirka iyo qiimaynta natiijooyinka, isku dhafka nidaamyada maareynta amniga diyaarada iyo yareynta khataraha hawlgalada duulimaadka iyo isticmaalka teknoloojiyada.

Sanadkii 1972, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho u tagay dalka Midowgii Sofiyeeti, gaar ahaan magaalada Furunze (hadda loo yaqaan Bishkek) ee ka tirsan Jamhuuriyadda Kyrgyzstan. Aabbe waxa uu ku takhasusay matoorada “Turboshaft Engines” ee saaran diyaaradaha Helicopter-ka ee Mi-8, iyo haykalka diyaaradahaas. Markii Aabbe Axmed ka soo laabtay Midowga Soofiyeeti waxaa loo magacaabay madaxa farsamada Raxanta koowaad ee diyaaradaha Helikobterka, kuwaas oo isgu jiray laba nooc oo kala ah MI-4 & MI-8, jagadaas wuxuu hayey ilaa 1975.

Sanadkii 1973, Xaruntii Ciidanka Cirka Xamar waxaa laga hirgaliyey Dugsigii Qaranka Duulimaadka Diyaaradaha. Tababarkii ugu horreeyey ee dugsiga ayaa la furay sanadkii 1974, iyadoo ay ka qeyb galeen ku dhawaad 30 layli duuliye, kuwaas oo 15 kamid ah ay ahayeen layli-duuliye reer Burundi. Ujeeddada weyn ee laga lahaa aasaaska dugsiga duulimaadka ma ahayn oo kaliya soo saarista duuliyeyaasha Soomaalida ee waxaa kaloo ku lamaansana in lagu tababaro oo kor loogu qaado kasmada duuliyeyaasha iyo farsamayaqaanada dalalka Afrikaanka ee doonaya in laga hormariyo dhinaca farsamada iyo duulimaadka. Waxaa xusid mudan, Soomaaliya waxay tababartay duuliyeyaal iyo farsamayaqaano u dhashay dalka Burundi, waxana tababarkaas fuliyey macalimiin Soomaali ah, ugu dambeyntiina Ciidanka Cirka Somaaliya waxay ku heleen Sharaf iyo magac weyn.

Muddadii tababarka socday sedex ka mid ah layli-duuliyeyaashii Burundiga waxay ku hareen tababarka duulimaadka, saas awgeed sanadkii 1975 waxaa Aabbe loo wareejiyey Dugsiga Qaranka Duulimaadka si sedexdaas arday ugu tababaro adeegyada dayactirka diyaaradaha. Sidoo kale, shirkadda Haybadda Qaranka Soomaaliyeed ee “Somali Airlin” ayaa horey u baray cilmiga tiyoorida Motoorka iyo Haykalka diyaarada sedexdaas Arday, halka Aabbe Axmed tababarka baraatikada daycatirka diyaaradaha ku baray diyaaradaha Dakota ee Ciidanka Cirka hawlgab ka dhigeensanadkii 1972. Doorki Aabbe ku lahaa dugsiga duulimaadka iyo ujeeddadii laga lahaa socodsiinta tababarka ardayda Burundiga, xilkaas culus uu Aabbe ka soo dhalaalay wuxuu ku mutay Shahaado Sharaf uu gudoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya S/Gaas Maxamed Siyad Barre.

Sanadkii 1979, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho u tagay dalka Talyaaniga, gaar ahaan dugsiga shirkadda S.I.A.I. Marchetti. Wuxuu dugsigaas ku soo qaatay tababarka farsamada diyaaradaha S.I.A.I. Marchetti, gaar ahaan noocyada SF-260W iyo SF-260M, oo diyaarado dabacsan oo si gaar ah ugu haboon tabaridda duuliyeyaasha wajiga koowaad. Waa diyaarad si weyn loogu tixgaliyo tababarka duuliyeyaasha militariga, wax-qabadkeeda waxay leedahay awoodaha duuliyaha lagu baro aerobatics, waxayna buuxinaysa farqiga u dhexeeya tababarka wajiga kowaad iyo kuwa hor marsan.

Sanadka 1980, ka dib markii duuliyeyaasha iyo farsamayaqaannada dugsiga ay ka soo laabteen dalka Talyaaniga, dalkana ay soo gareen diyaaradaha tababarka, ayaa waxaa dugsigaas loo dalacsiiyey Kuliyadda Jeneral Daa’uud ee Ciidanka Cirka Kismaayo. Aabbe Axmed waxaa loo magacaabay Injineerka guud ee Kuliyaddaas iyadoo uu la wareegay qaybta farsamada heerka 1aad ee khatka duulimaadka iyo qaybta farsamada heerka 2aad ee Jadwalka dayactirka dhulka. Aabbe wuxu si buuxda u qaatay masuuliyadaas isagoo door muhiim ah ka ciyaaray taageerada iyo horumarinta diyaaradaha loogu talagalay tababarka jiilka cusub ee duuliyeyaasha Qarankii Soomaaliyeed. Aabbe, waxa uu gacan weyn ka geystay in diyaaradaha ay markasta diyaar ugu yihiin duulimaadka tababarka ardayda layli duuliyaasha, waxana dugsigaas ka Qalinjebisey duuliyeyaal badan oo ka hawlgalay Raxamaha diyaaradaha dagaalka iyo kuwa Xamuulka.

Abbe Axmed doorku ku lahaa Kuliyadda iyo masuuliyaddu hayey waxaa laga xusi karaa guulahii laga soo hooyay in Qaranka Soomaaliyeed loo badbaadshay dhaqaalo farabadan. Waxaa xusid mudan diyaaradaha ay lahayeen Kuliyadda markii ay duulaan 2000 saacadood oo duulimaad ah, waxaa lagama maarmaan ah diyaaradaha in dib loogu celsho warshadii soo saartay, si loogu sameeyo cimri kordhin. Ujeeddada cimri-kor-dhinta waa in diyaaradaha lagu sameeyo dayactir guud oo heer sare ah (overhaul), taasoo diirada lagu saarayo dhinacyada Matoorka, ilaa qaybaha muhiimka ee diyaarada, si dib loogu soo celsho xaalad cusub oo ammaan ah iyadoo la raacayo tilmaamaha warshada. Si kastaba, Aabbe Axmed iyo kooxdi farsamayaqaanadda Kulliyadda iyagoo kaashanaya khuburada Talyaaniga ee joogay Kuliyadda, ayaa dhamaantood waxay ku guulaysteen diyaaradaha in lagu dayactiro dalka gudahiisa. Tallaabadaasi waxay suurta galisay Qaranka Soomaaliyeed in loo badbaadsho dhaqaalo badan oo ku bixi lahaa diyaaradaha haddii loo qaadi lahaa dalka Talyaaniga, dibna loo soo celin lahaa. Howshaas baaxadda weyn iyo kaalinta muuqata Aabbe Axmed ka qaatay barnaamijka dayactirka cimriga-kor-dhinta diyaaradaha Kulliyadda wuxuu ku mutay Abaal-marin Bilad Sharaf uu gudoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuurya Soomaaliya S/Gaas Maxamed Siyad Barre.

Dabayaaqadii sanadka 1987, Aabbe Axmed wuxuu waxbarasho u tagay dalka Talyaaniga si tababar sare uga qaato Dugsiga Ammaanduulka Diyaaradaha Dagaalka ee “Scuola Guerra Aerea” oo ku yaalay magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga. Ujeeddada tababarka waxay ahayd inuu ku qaato tababar ku saabsan cilmiga maamulka farasamada iyo Injineeriyada oo loogu talagalay saraakiisha farsamada ee muddo dheer ka soo shaqeynaayey saldhigyada diyaaradaha Tababarka, diyaaradaha Dagaalka, diyaaradaha Xamuulka iyo diyaaradaha Helikobtarka iyo sidoo kale saraakiisha saadasha hawada, kuwaas oo dhamaantood ka koban afartaas qaybood.

Dhamaadkii sanadka 1988, Aabbe Axmed waxaa loo magacaabay Taliyaha Kulliyadda Jeneral Daa’uud ee Ciidanka Cirka ee Kismaayo. Markii la soo gaaray dabayaaqadii sanadka 1990, dalka wuxu galay deganaasho la’aan oo markii dambe keentay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Aabbe Axmed wuxuu xilkaas hayey ilaa laga soo gaaray bishii Janaayo 1991, kadibna dalka wuxuu galay dagaal sokeeye oo daba dheeraday.
Aabbe Axmed wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisa Ambiya Macallin, lix wiil iyo hal gabar oo kala ah: Maxemed Axmed “Showkax”, Xasan Axmed, Ismaaciil Axmed “Nuune”, Cabdinaasir Axmed, Cabdifitaax Axmed, Cabdulcasiis Axmed iyo Sucaad Axmed, kuwaas oo dhammaantood ku dhashay Xeryadii Afisyooni ee degmada Xamar Jab-Jab, magaalada Muqdisho, Gobolka Banaadir. Alle ha u naxariisto Aabbe, Jannadii Firdowsa ha ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
BUUGGA AABBE
Xaqiiq ahaan, dagaalki sokeeye ee dalkeena ka qarxay bishii Janaayo 1991 waxa ku burburay dowladi dhexe ee Soomaaliya. Intii lagu jiray fawdada iyo burburka, Taliska Ciidanka Cirka wuxuu noqday mid gabi ahaan burburay, waxaa si dayacaad ah u lumay dukumintiyadii Ciidanka Cirka ee ku kaydsana xafiiska xusuus dhawrka Ciidanka Cirka ee laga heli karay raad kasta taariikhdii dhaxalgalka ahayd ee Ciidanka Cirka laga soo bilaabo waqtigii la unkay Ciidanka Cirka oo aasaaskiisa laga soo qaaday xiligii gobannimo gaarsiinta. Mar haddii Ciidanka Cirka dumay, kaydki dukumiintiyada wax-ku-oolka ay lumeen, waxaa lama huraan noqotay Aabbe Axmed inuu baadi goobo taariikhda luntay, baaritaan cilmiyeed ugu kuurgalo, kadibna Buug ka qoro taarikhda Ciidanka Cirka isagoo kaashanaya hawlgabkii Ciidanka Cirka ee wali nool, si loogu gogol xaaro dhigaal taarikheed oo laga bilaabi karo in dib loo soo nooleeyo sooyaalkii hore ee Ciidanka Cirka, si jiilasha maanta jooga iyo kuwa mustaqbilka ay u fahmaan taarikhda Ciidanka Cirka iyo kaalinta ay kaga jireen difaaca Qarannimada Ummada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, waxa xusid mudan muddadii dheereyd ee Aabbe Axmed ururinaayey taarikhda Ciidanka Cirka, waxaa la soo darsay caqabado culculus ay ka mid ahayeeen in la waayey saarakiil badan oo muhiim u ahaa qorista taarikhda, kuwaas oo badankoodi noqday kuwa mar hore dhintay iyo kuwa hadda nool oo xusuustooda lumiyey sababo la xariira gabow iyo Dementia. Hawkgabkaas aan luminay iyadoo aan wax xasuus ah laga reebin waxay la macno tahay maktabadi Ciidanka Cira oo la gubay.
Si kastaba waxaan ku rajo weyn nahay Buugga Aabbe Axmad inuu soo bixi doono mar dhaw Insha Allah.
Eng.Ismaaciil Axmed (Nuune)
………………………………………………………………………………………………………………………………………









