• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Tuesday, October 6, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaaray Dhuusamareeb si uu u Dardargeliyo Howlgalada Ka Dhanka ah Al-Shabaab

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
May 14, 2026
in WARARKA MAANTA
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaaray Dhuusamareeb si uu u Dardargeliyo Howlgalada Ka Dhanka ah Al-Shabaab
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dhuusamareeb, Soomaaliya —  May 14, 2026 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo uu uga bilaabanayo safar la xiriira dardargelinta howlgalada amni iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wafdiga uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Safarka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada maamulka Galmudug iyo gobollada bartamaha dalka, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen gulufyo militari oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda.

Ilo amni ayaa sheegaya in intii uu ku sugan yahay Dhuusamareeb uu Taliyuhu kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidamada, maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee laamaha amniga, si loo xoojiyo wada shaqeynta howlgalada socda iyo qorsheyaasha cusub ee lagu sugayo amniga gobolka.

Mas’uuliyiinta ciidamada ayaa tilmaamay in socdaalka Taliyaha uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo mudnaanta la siinayo dib u xoreynta deegaannada ay wali kooxdaasi ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, booqashadan ayaa la rumeysan yahay inay kor u qaadi doonto niyadda ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo fariisimaha kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo iskaashi la sameyneysa shacabka deegaanka, ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga loogana hortago weerarada kooxda.

Saraakiisha ciidamada ayaa mar kale caddeeyay in howlgalada socda ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo laga hirgeliyo deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Previous Post

Doorashooyinka Galmudug oo Si Rasmi ah u Billowday iyadoo Shacabka Lagu Dhiirrigeliyay Ka Qaybgalka Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda

Next Post

“Banaanbax Ma Rabno” – Odayaal iyo Waxgarad Muqdisho Ka Digay Rabshado Siyaasadeed iyo Qalalaase Amni

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
“Banaanbax Ma Rabno” – Odayaal iyo Waxgarad Muqdisho Ka Digay Rabshado Siyaasadeed iyo Qalalaase Amni

“Banaanbax Ma Rabno” – Odayaal iyo Waxgarad Muqdisho Ka Digay Rabshado Siyaasadeed iyo Qalalaase Amni

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News