Ankara, Qaranimo Online — 19-ka Sebtembar 2026: Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay xannibaado cusub oo dhinaca fiisaha ah kusoo rogtay muwaadiniinta Turkiga.
Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ee Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in wax isbeddel ah aan lagu sameyn shuruudaha socdaalka ee u dhexeeya muwaadiniinta Soomaaliya iyo Turkiga.
“Wararka sheegaya in Soomaaliya ay xannibaado fiise kusoo rogtay muwaadiniinta Turkiga waxay si cad u yihiin marin-habaabin,” ayay xaruntu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Bayaanka ayaa yimid kaddib markii bar warbaahineed oo Turki ah oo lagu magacaabo Serbest Gazete ay barta X ku baahisay qoraal sheegaya in Soomaaliya ay xannibaado dhinaca fiisaha ah kusoo rogtay Turkiga.
Xarunta ayaa caddeysay in aan la soo saarin sharci cusub ama wax-ka-beddel lagu sameeyay nidaamka socdaalka ee hadda ka dhexeeya labada dal.
“Wax isbeddel ah laguma sameyn shuruudaha jira ee maamula socdaalka muwaadiniinta Turkiga iyo Soomaaliya, mana jirto xannibaad cusub ama wax-ka-beddel lagu sameeyay xeerarka hadda la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Muwaadiniinta labada dal ayaa weli ku socda nidaamka is-dhaafsiga fiisaha ee hadda jira. Bayaanku ma shaacin wax shuruudo dheeraad ah ama hannaan cusub oo lagu dabaqayo dadka u kala safraya Soomaaliya iyo Turkiga.
Ankara oo wararka ku tilmaantay olole marin-habaabin ah
Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ayaa sheegtay in wararkaasi qayb ka yihiin olole lagu bartilmaameedsanayo iskaashiga istiraatiijiga ah iyo xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.
Waxay shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inay ku tiirsanaadaan wararka kasoo baxa hay’adaha rasmiga ah ee labada dowladood, gaar ahaan marka ay jiraan warar la xiriira socdaalka, fiisaha iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Soomaaliya iyo Turkiga waxay leeyihiin xiriir ballaaran oo dhinacyada amniga, difaaca, tababarka ciidamada, gargaarka bani’aadannimo, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.
Turkiga ayaa sidoo kale door muuqda ku leh tababarka ciidamada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed, halka labada dowladood ay sannadihii dambe ballaariyeen iskaashigooda dhinacyada tamarta iyo difaaca.
Beeninta Ankara ayaa meesha ka saaraysa sheegashooyinkii ku saabsanaa in Soomaaliya ay beddeshay nidaamka fiisaha ee muwaadiniinta Turkiga. Ilaa hadda, labada dal midkoodna ma shaacin xannibaad cusub oo lagu soo rogay socdaalka muwaadiniintooda.












