Addis Ababa — Taliyaha Ciidamada Badda Itoobiya, Admiral Kindu Gezu, ayaa sheegay in adeegsiga xooggu yahay ikhtiyaarka ugu dambeeya ee dalkiisu u adeegsan karo helitaanka marin madax-bannaan oo Badda Cas ah, haddii ay fashilmaan dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciyeed.
Kindu ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ururka saraakiishii hore ee ciidamada milatariga iyo booliiska ay bishan Nofeembar ku yeesheen magaalada Addis Ababa. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay hesho deked ay leedahay, isaga oo arrintaas ku xiriiriyey danaha iyo mustaqbalka dalkiisa.
“Dalabkayagu waa cad yahay. Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Itoobiya ay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, iyagoo adeegsanaya waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, si ay dib ugu helaan dekeddii aan sida sharci-darro ah u weynay,” ayuu yiri.
Taliyaha ayaa ku dooday in dadaallada Itoobiya ee helitaanka deked iyo dib-u-dhiska ciidamadeeda badda aan loogu talagelin cabsi-gelin ama duullaan. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in dalkiisu tixgelin karo tallaabooyin kale haddii wada-hadalladu wax natiijo ah keeni waayaan.
Waxa uu soo bandhigay laba waddo oo uu sheegay inay Itoobiya u furnaan karaan marka diblomaasiyaddu fashilanto: inay aqbasho inay sii ahaato dal aan bad lahayn, ama inay xoog adeegsato. Isaga oo difaacaya aragtidiisa, ayuu xaaladda bad-la’aanta ku xiriiriyey gaajo iyo amni-darro, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay badda u jirto 60 kiiloomitir oo keliya.
Kindu ayaa adeegsiga xoogga ku tilmaamay tallaabo kama dambays ah oo lagu gaari karo waxa uu ugu yeeray dib ugu laabashada dhulkii hooyo, isaga oo hadalkaas ula jeeday dekedda Casab ee Eritrea.
Waxa kale oo uu ku dooday in dekedaha Casab iyo Mitisiwa ay taariikh ahaan ka tirsanaayeen Itoobiya. Gooni-isu-taagga Eritrea ayuu ku tilmaamay “kala-tag aan caddaalad ahayn oo sharci-darro ah”, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay tahay inay hesho deked ay leedahay, “iyadoon loo eegin inta ay qaadanayso ama naf-hurnimada loo baahan yahay”.
Hadalka taliyaha ayaa imanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sii xumaanayo, isla markaana ay jiraan cabsi laga qabo in muranka marin-badeedku sii huriyo xiisadda labada dal. Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa marar badan ku celceliyey baahida ay sheegeen in dalkoodu u qabo deked madax-bannaan oo ku taalla Badda Cas.
Eritrea waxay xornimada qaadatay sannadkii 1993-kii, kaddib afti ay Qaramada Midoobay taageertay oo daba socotay 30 sano oo halgan xorriyadeed ah. Xornimada Eritrea ayaa Itoobiya ka dhigtay dal aan bad lahayn. Tan iyo markaas, Itoobiya waxay inta badan ganacsigeeda caalamiga ah ee badda ku tiirsanayd dekedaha Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa isaguna dhowr jeer ka hadlay muhiimadda uu dalkiisu siinayo helitaanka marin Badda Cas ah. Hadal uu bishii Febraayo ee sannadkan ka jeediyey baarlamaanka ayuu ku adkeeyey rabitaanka Itoobiya ee marin-badeed, isagoo isla markaas sheegay in dalkiisu uusan doonayn inuu xoog ku helo.
“Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan bad rabin,” ayuu yiri Abiy. Waxa kale oo uu sheegay: “Itoobiya iyo badda cas lama kala reebi karo”.
Abiy ayaa muhiimadda Badda Cas u leedahay Itoobiya la barbar dhigay aragtida amni ee Israa’iil ku xiriiriso gacan-ku-haynta Buuraleyda Golan. Isaga oo sharxaya isbarbardhiggaas, ayuu ku dooday in danaha qaranka Itoobiya ay ku xiran yihiin Badda Cas, balse wuxuu ku daray: “Itoobiya ma doonayso inay xaabbad riddo si ay taas u gaarto”.
Hadalka Kindu ee ku saabsan suurtagalnimada adeegsiga xoogga ayaa sidaas kaga duwan hadallada Abiy ee ku adkaysanaya in Itoobiya aysan doonayn inay hub ku gaarto marin-badeed.











