ISTANBUL, Turkiga — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Istanbul kaga qayb galay shir caalami ah oo looga hadlay xoojinta wada-tashiga goleyaasha fatwada iyo sidii culimada Muslimiintu uga wada jawaabi lahaayeen caqabadaha dunida maanta ka jira.
Shirka, oo lagu magacaabo International Fatwa Council Consultation Meeting, waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet. Waxaa ka qayb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal, kuwaas oo ay ku jiraan wasiirro arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo iyo culimo.
Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dhismaha hannaan wada-tashi oo joogto ah, kaas oo isku xira goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka, isla markaana xoojiya isu soo dhoweynta aragtida culimada.
Qodobbada ajendaha ku jira waxaa ka mid ah xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka iyo ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah ee AI. Waxaa sidoo kale laga hadlay wax ka qabashada xogaha diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisnayn cilmi iyo aqoon sugan.
Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, oo ka qayb galay furitaanka kana jeediyay khudbad, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan. Waxa uu ku baaqay habab wada-tashi oo wax ku ool ah oo ka caawiya inay ka jawaabaan caqabadaha cusub ee haysta dunida Islaamka.
Intii uu ku sugnaa Istanbul, Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Prof. Dr. Safi Arpaguş. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha diinta.
Kulankaas ayaa si gaar ah loogu eegay dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya, iyo kaalinta ay Diyanet ka qaadan karto horumarinta iyo xoojinta hay’adahaas.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu adkaynayo xiriirka hay’adaha diinta ee caalamka, lagagana qayb qaadanayo doodaha ku saabsan fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah.












