Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhoweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ee booqasho uu ku yimaaddo Muqdisho, isagoo arrintaas ku xiriiriyay baahida loo qabo wadahadallo siyaasadeed oo dhab ah, loona dhan yahay.
Bayaan uu dhawaan soo saaray, Farmaajo ayaa ku tilmaamay booqashada “mid muhiimadda u leh dalka si loo helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga sharci darrada ah ee Madaxweynaha”.
Hadalkiisa ayuu Farmaajo ku adkeeyay in wadahadalladu ku salaysnaadaan dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee uu bayaankiisa xusay. Waxa uu sidoo kale ku celiyay mowqifkiisa ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay muddo-kororsi sharci-darro ah oo Madaxweynaha loo sameeyay.
Bayaanka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya kaddib booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Uganda. Booqashadaas ayaa timid martiqaad uu ka helay Madaxweyne Museveni.












