MUQDISHO — Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Areti Sianni. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqaynta labada dhinac iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira arrimaha qaxootiga.
Wasiir ku-xigeenka iyo wakiilka UNHCR ayaa ka wada hadlay mudnaanta hawlaha ay hay’addu ka waddo gudaha Soomaaliya iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu eegay muhiimadda xiriir wada-shaqayneed oo joogto ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo UNHCR, si loo horumariyo hawlaha qaxootiga iyo arrimaha kale ee ku jira waajibaadka hay’adda.
Labada mas’uul ayaa muujiyay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga dhow, iyagoo adkeeyay in isku-duwidda dadaalladu ay muhiim u tahay habsami-u-socodka shaqada ay labada dhinac ka wada qabtaan arrimaha qaxootiga.












