• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Tuesday, October 6, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Waxbarasho Bilaash ah u Ballanqaaday Saddexda Arday ee Soomaaliya Guusha Caalamiga ah u Soo Hooyay

Eng. Ayub Liban by Eng. Ayub Liban
September 15, 2026
in Uncategorized
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Waxbarasho Bilaash ah u Ballanqaaday Saddexda Arday ee Soomaaliya Guusha Caalamiga ah u Soo Hooyay
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho (Qaranimo Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka galay tartan caalami ah oo lagu tartamayay xifdinta iyo akhrinta Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo dhowaan lagu qabtay dalka Qatar.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 398 arday oo ka kala socday 20 waddan. Ardayda Soomaaliyeed ayaa si weyn uga dhex muuqday tartamayaasha, iyagoo ku guuleystay dhammaan saddexda kaalmood ee ugu sarreeya.

Qaari Cabdulqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen ayaa galay kaalinta koowaad, halka Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed uu ku guuleystay kaalinta labaad. Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa isaguna galay kaalinta saddexaad. Ka qaybgalka ardayda Soomaaliyeed ee tartanka waxaa fududeysay hay’adda Qatar Charity. SONNA

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee ay u soo hoyeen Soomaaliya, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, dulqaadkooda iyo waqtiga ay geliyeen barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kaalmaha ay ardaydu ka galeen tartankan caalamiga ahi ay sharaf iyo sumcad u tahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan aqoontooda, isla markaana wixii ay barteen uga faa’iideeyaan ardayda kale.

“Waxaan madaxda dowladda ahaan ku faraxsanahay inaad kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka gasheen tartan caalami ah. Waa guul weyn iyo sharaf u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Intii uu kulanku socday, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saddexda arday u fidin doonto waxbarasho bilaash ah. Waxa uu Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare faray inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu daboolayo waxbarashadooda.

Taageeradan ayaa la jaanqaadaysa dhiirrigelinta ay dowladdu siiso ardayda Soomaaliyeed ee kaalmaha sare ka gala imtixaannada qaranka iyo tartamada aqooneed ee heer caalami.

Guusha saddexdan arday ayaa muujinaysa kartida dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalinta muhiimka ah ee dugsiyada Qur’aanka, macallimiinta iyo waalidiintu ku leeyihiin barbaarinta jiil ku dhisan aqoon, akhlaaq iyo ku-dhaqanka diinta Islaamka. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u tahay ardayda kale ee Soomaaliyeed ee ku hawlan barashada, xifdinta iyo fahamka Qur’aanka Kariimka ah.

Previous Post

Cilmi-baarayaal oo Ka Digay “Worm” AI Adeegsanaya oo La Qabsan Kara Qalab Kasta

Next Post

Soomaaliya oo Madasha UNESCO ee Riyaadh ku Soo Bandhigaysa Aragti ku Saabsan Maamulka Mas’uulka ah ee AI

Eng. Ayub Liban

Eng. Ayub Liban

Eng. Ayub Liban waa qoraa sare oo ka tirsan Qaranimo Online, kuna takhasusay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo sharciga. Isagoo si mutadawacnimo ah ula shaqeeya Qaranimo Online, wuxuu bulshada la wadaagaa warar, warbixino iyo qoraallo xog-ogaal ah oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu qayb ka yahay dadaalka Qaranimo Online ee lagu gaarsiinayo Soomaalida gudaha dalka iyo qurbo-joogta warar iyo macluumaad la isku halayn karo, iyadoo la adeegsanayo madasha caalamiga ah ee Qaranimo Online.

Next Post
Soomaaliya oo Madasha UNESCO ee Riyaadh ku Soo Bandhigaysa Aragti ku Saabsan Maamulka Mas’uulka ah ee AI

Soomaaliya oo Madasha UNESCO ee Riyaadh ku Soo Bandhigaysa Aragti ku Saabsan Maamulka Mas’uulka ah ee AI

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News