Garoowe, Puntland, Soomaaliya – 21 May 2026 – Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed culus kasoo saaray shir ay maanta ku yeesheen magaalada Garowe, iyagoo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan muddo xileedka hay’adaha Federaalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu sheegay in Puntland ay go’aansatay inay difaacdo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta dastuurka iyo nidaamka Federaalka ee heshiiska lagu yahay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in muddo xileedkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u dhammaaday 15-kii May 2026, iyadoo Puntland ay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda wixii ka dambeeya loo aqoonsanayo “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya”, isla markaana aanu sharci u lahayn inuu sii joogo xafiiska madaxtooyada Federaalka.
Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii April 2026, sidaas darteedna ay meesha ka baxday sharciyaddii hay’adaha Federaalka ee hadda jira.
Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale taageeray mowqifkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu shaaciyay Muqdisho 15-kii May 2026, kaas oo lagu caddeeyay in ay dhammaadeen muddo xileedyadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu dhaliilay hanaanka doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyadoo Puntland ay sheegtay in doorashooyinka qof iyo codka ah ee hadda la qorsheynayo aysan waafaqsanayn dastuurka KMG ah iyo heshiisyadii hore ee Federaalka lagu dhisay sanadkii 2012.
Puntland ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay gashay marxalad “kala-guur” ah (Transitional Period), taas oo ay ku tilmaantay xaalad u baahan heshiis siyaasadeed iyo sharci cusub oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale baaq loo diray Beesha Caalamka, iyadoo Puntland ay ka codsatay daneeyayaasha caalamiga ah inay si toos ah ula shaqeeyaan Puntland ilaa laga helayo hay’ado Federaal ah oo sharciyad heshiis lagu yahay leh.
Dhanka kale, Puntland waxay si adag uga digtay tallaabooyin ay ku tilmaantay “caburin iyo barakicin” loo geysto shacabka Muqdisho, iyadoo ugu baaqday madaxda Federaalka inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo amni darro.
Ugu dambeyn, Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ilaalinayo dowladnimada, wadajirka iyo xasilloonida dalka, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay Beesha Caalamka taageerada ay u hayaan nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.












