Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta oo ku beegan 12-ka May, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka dhirta si loo xoojiyo sugnaanta cuntada, horumarinta beeraha, iyo badbaadinta deegaanka.
Munaasabadda oo lagu qabtay Hotel Holiday ee Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda SARIS iyadoo kaashaneysa Waaxda Ilaalinta Dhirta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU). Kulanka ayaa sanadkan watay halku-dhigga:
“Plant BioSecurity for Food Security”
ama
“Sugnaanta Dhirta si loo Xaqiijiyo Sugnaanta Cuntada.”
Waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday dowladda, khubaro dhanka beeraha iyo deegaanka ah, aqoonyahanno, arday, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ka dooday doorka ay dhirtu ku leedahay nolosha bani’aadamka iyo dhaqaalaha dalka.
Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in caafimaadka dhirta uu si toos ah ugu xiran yahay wax soo saarka beeraha, la dagaallanka cayayaanka waxyeellada leh, iyo ilaalinta deegaanka. Waxay sidoo kale xuseen in Soomaaliya ay u baahan tahay qorsheyaal casri ah oo lagu horumarinayo beeraha, cilmi-baarista, iyo nidaamyada ilaalinta dhirta si looga hortago cudurrada iyo khataraha saameeya wax soo saarka cuntada.
Qaar kamid ah khubarada ayaa sheegay in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay sii kordhinayaan khatarta ku wajahan dalagyada iyo dhirta, taasoo u baahan wada shaqeyn heer qaran iyo heer caalami ah.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay farriimo wacyigelin ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhirta, iyadoo lagu adkeeyay in dhirtu ay saldhig u tahay nolosha, caafimaadka bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.
Hay’adaha soo qabanqaabiyay xuskan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan beeraleyda iyo hay’adaha la xiriira beeraha, inay ka shaqeeyaan ilaalinta dhirta iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta ayaa sanad walba dunida laga xusaa 12-ka May, iyadoo looga gol leeyahay in kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan doorka ay dhirtu ku leedahay nolosha aadanaha iyo badbaadada deegaanka.











