• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Wednesday, September 16, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Canada Stephen Harper: Canada Waxay ku Qasbanaatay inay ka Baxdo Heshiiskii Ganacsi ee Mareykanka

    Trump oo Devin Kennington u Magacaabay Murashaxa Safiirka Cusub ee Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya

    25 Sano Kadib 11-kii Sebtembar: Muslimiinta Mareykanka oo Siyaasadda ku Yeelanaya Saamayn Cusub

    Cilmi-baarayaal oo Ka Digay “Worm” AI Adeegsanaya oo La Qabsan Kara Qalab Kasta

    Xiisadda Yemen iyo Gacanka oo Sii Kordhay: Xuutiyiinta oo Sacuudiga u Digay, Wadahadalladii Hormuzna Dib Loo Dhigay

    Canada iyo Midowga Yurub oo Sahaminaya Heshiis Fududeyn Kara Shaqada iyo Deggenaanshaha Muwaadiniinta

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Soomaaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirka ID4Africa 2026 si loo Dardargeliyo Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Dhijitaalka ah

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
May 12, 2026
in WARARKA MAANTA
0
Soomaaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirka ID4Africa 2026 si loo Dardargeliyo Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Dhijitaalka ah
0
SHARES
14
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Abidjan, Côte d’Ivoire – May 12, 2026 –  Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee ID4Africa 2026 oo ka furmay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire, kaas oo ay isugu yimaadeen dowlado, hay’ado caalami ah iyo khubaro ku xeel dheer aqoonsiga dijitaalka ah iyo adeegyada casriga ah ee dowladda.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), waxaana qeyb ka ahaa masuuliyiin sare oo ka socday hay’adaha dowladda sida NIRA, SPS, SBA iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Shirka ID4Africa 2026 ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii dalalka Afrika ay u hirgelin lahaayeen nidaamyo casri ah oo dhijitaal ah, kuwaas oo fududeynaya adeegyada dowladda, xaqiijinta aqoonsiga muwaadiniinta, kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo xoojinta amniga xogta shacabka.

Ka qeyb-galka Soomaaliya ee shirkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto hirgelinta adeegyo casri ah oo ku saleysan tiknoolajiyadda iyo maamulka xogta muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha nidaam aqoonsi qaran oo casri ah, kaas oo sahli kara helitaanka adeegyada dowladda, horumarinta maaliyadda dhijitaalka ah, amniga, iyo isku xirnaanta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxa uu xusay in shirkan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, laguna baranayo khibradaha dalalka kale ee Afrika ee ku guuleystay hirgelinta nidaamyada aqoonsiga dijitaalka ah.

Shirka ID4Africa ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay teknoolajiyado cusub oo la xiriira aqoonsiga biometric-ga, ilaalinta xogta, adeegyada dijitaalka ah iyo xalalka casriga ah ee lagu horumarin karo maamulka dowliga ah.

Ka qeyb-galka wafdiga Soomaaliya ayaa muujinaya dadaallada sii kordhaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto casriyeynta adeegyada dowladda iyo dhismaha hannaan dijitaal ah oo la jaanqaadi kara isbeddelka tiknoolajiyadda ee dunida casriga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay xoogga saartay horumarinta Aqoonsiga Qaranka, iyadoo NIRA ay door muhiim ah ka qaadatay diiwaangelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaam mideysan oo aqoonsi qaran ah, kaas oo muhiim u ah qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada dowliga ah ee dalka.

Previous Post

Muqdisho: Dowladda Hoose ee Xamar oo Daahfurtay Xarun Casri ah oo Lagu Keydinayo Daawooyinka Caafimaadka

Next Post

Muqdisho oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Muqdisho oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta

Muqdisho oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News