• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Friday, October 2, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Diyaargarowga iyo Xarumaha Kumaandooska Gorgor

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
September 10, 2026
in News, WARARKA MAANTA
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Diyaargarowga iyo Xarumaha Kumaandooska Gorgor
0
SHARES
22
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho | September 10, 2026 –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa taliska la kulmay saraakiisha hoggaaminaysa qaybta iyo cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah oo lagu xoojinayay aqoontooda ciidan, xirfaddooda hawlgal iyo diyaar-garowgooda difaaca qaranka.

Saraakiisha taliska ayaa Madaxweynaha siiyay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee ciidamada, tababarrada ay qaateen, awooddooda hawlgal iyo qorshayaasha loogu diyaarinayo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee taliska, oo ay ka mid yihiin xafiisyada maamulka, goobaha ay ciidamadu deggan yihiin, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka. Waxa uu sidoo kale u kuurgalay adeegyada ay helaan ciidamada iyo baahiyaha muhiimka u ah sii xoojinta awooddooda iyo tayadooda shaqo.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee door muhiim ah kaga jira difaaca dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay naf-hurnimada, geesinimada iyo doorka muuqda ee ay ka qaataan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka. Waxa uu sidoo kale ammaanay guulaha ay ka gaareen hawlgallada lagu sugayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo la hadlayay ciidamada iyo saraakiishooda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyay inay mar kasta u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta ciidannimo, isla markaana ay si daacadnimo iyo waddaniyad leh ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ciidamada ka sugayaan inay xaqiijiyaan himilada qaran ee ku aaddan Soomaaliya nabad ah, xasilloon, kana xorowda Khawaarijta iyo dhammaan khataraha lidka ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii dardargeliyo dhismaha, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay awood buuxda ugu yeeshaan la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka iyo difaaca xuduudaha dalka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxa uu si gaar ah u xusay kaalinta Türkiye ay ku leedahay dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo maanta laf-dhabar muhiim ah u ah hawlgallada difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Previous Post

Apple oo Daaha ka Qaadday iPhone Duo: Telefoonkeedii Ugu Horreeyay ee Laabma oo Qiimihiisu Gaarayo…

Next Post

Soomaaliya oo Madasha Jaamacadda Carabta ku Adkaysay Taageerada Qadiyadda Falastiin

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Soomaaliya oo Madasha Jaamacadda Carabta ku Adkaysay Taageerada Qadiyadda Falastiin

Soomaaliya oo Madasha Jaamacadda Carabta ku Adkaysay Taageerada Qadiyadda Falastiin

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News