MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Adeegyada Asluubta iyo Dib-u-habaynta Xabsiyada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xukuumaddu ay muddo dhow dib u eegi doonto xaaladaha maxaabiista u xiran deymaha iyo kiisaska fudud.
Shirweynaha waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Waxa uu ku saabsan yahay horumarinta adeegyada asluubta iyo dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada dalka.
Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la tayeeyo adeegyada xabsiyada, lana ilaaliyo xuquuqda maxaabiista. Waxa uu tilmaamay in dib-u-habaynta nidaamka asluubtu ay ku salaysnaato ku dhaqanka sharciga, hufnaanta iyo dhowrista karaamada aadanaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-eegis lagu sameeyo xaaladaha dadka u xiran deymaha iyo kiisaska fudud. Ujeeddada ayuu ku sheegay in kiisaskaas loo wajaho si waafaqsan sharciga, loona helo xalal caddaaladeed oo ku habboon duruufaha maxaabiista ay khusayso.
Hadalkiisa ayaa isku xiray baahida loo qabo hagaajinta adeegyada xabsiyada iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo dhowra xuquuqda iyo karaamada dadka ku jira, iyadoo dib-u-eegista la qorsheeyay lagu salaynayo sharciga iyo xaaladda kiis kasta.











