Muqdisho, Qaranimo Online — 18-ka Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim, ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qaybgalay bandhigga filim ay soo saareen oo ay jileen dhallinyaro Soomaaliyeed, kaas oo ka hadlaya xaaladaha dalka iyo arrimo la xiriira nolosha bulshada.
Munaasabadda bandhigga waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin, bahda fanka iyo suugaanta, jilayaal, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay daawashada qaybta afraad ee filimka.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed ee kartidooda iyo hal-abuurkooda u adeegsanaya horumarinta fanka, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu tilmaamay in qabashada bandhigyo noocan oo kale ah ay muujinayso fursadaha sii kordhaya ee dhallinyaradu ku soo bandhigi karaan hibadooda.
“Waa farxad in Muqdisho lagu soo bandhigayo filim ay jileen dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana arrintaas suurtageliyey isbeddelka dhinaca amniga ee ka jira dalka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey maamulka shirkadda Nasiye oo soo qabanqaabisay bandhigga, isaga oo ku ammaanay taageerada ay siinayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumarinta wax-soo-saarka filimada gudaha.
Waxa uu sheegay in bandhigga filimku qayb ka yahay dadaallada dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku muujinayaan hal-abuurkooda, kuna taabanayaan arrimaha bulshada iyo himilooyinka la xiriira horumarka mustaqbalkooda. Filimada ay sameeyaan dhallinyarada ayaa door ka qaadan kara gudbinta fariimaha wacyigelinta, kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta doodo wax-ku-ool ah oo ku saabsan xaaladaha dalka.
Qaar ka mid ah jilayaasha filimka ayaa munaasabadda ka hadlay, iyagoo sharraxay doorarkii kala duwanaa ee ay ku matalayeen qaybta afraad iyo fariimaha ay doonayeen inay bulshada gaarsiiyaan.
Bandhiggan ayaa muujinaya kaalinta sii kordhaysa ee dhallinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin fanka iyo filim-samaynta, iyo sida ay hal-abuurka ugu adeegsan karaan soo bandhigidda xaaladaha dalka, wacyigelinta bulshada iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan.











