Muqdisho, Qaranimo Online — 18-ka Sebtembar 2026: Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa kormeer shaqo ku tagay Isgoyska Bakaaraha iyo goobo kale oo magaalada Muqdisho ah oo ay ka socdaan hawlo dib-u-habeyn iyo dayactir waddooyin.
Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu qiimeeyo halka ay marayaan howlaha dhismaha iyo dayactirka, tayada shaqada la qabanayo iyo sida loogu hoggaansamayo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha waddooyinka caasimadda. Qaar ka mid ah howlaha socda waxaa fulinaya hay’adaha iyo shirkadaha qaabilsan dhismaha waddooyinka, oo ay ka mid tahay shirkadda Docol.
Intii uu kormeerka socday, mas’uuliyiinta ayaa warbixinno ka dhageystay dhinacyada fulinaya mashaariicda, waxaana la eegay heerka ay marayaan shaqooyinka, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu dardargelin karo dhammaystirkooda.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in qayb badan oo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho la dayactiray, isla markaana lagu guuleystay dhismaha jidad cusub oo laga hirgeliyey degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay in horumarinta waddooyinku muhiim u tahay fududeynta isu-socodka dadka iyo gaadiidka, isku-xirka degmooyinka iyo kobcinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee caasimadda.
Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyey in dhowaan la bilaabi doono dayactirka waddooyin kale oo muhiim ah, gaar ahaan qaybo ka mid ah Jidka 30-ka, waddada Shiirkole, waddada Daallo iyo jidad kale oo u baahan dib-u-habeyn.
Waxa uu shirkadaha iyo hay’adaha fulinaya mashaariicda dhismaha ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan tayada waddooyinka, badqabka dadka iyo gaadiidka, isla markaana ay shaqooyinka ku dhammeeyaan waqtigii loogu talagalay. Waxa uu xusay in dhismaha waddooyinku u baahan yahay farsamo wanaagsan iyo isla-xisaabtan, si loo helo jidad muddo dheer bulshada u adeegaya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu sii wadi doono kormeerka howlaha horumarinta kaabeyaasha caasimadda, iyadoo la qorsheynayo in dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka lagu ballaariyo degmooyinka kala duwan ee Muqdisho.












