Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan wadajir ah oo ka qabsoomay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo qayb ka ah Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 11-aad. Kulankan muhiimka ah waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ka garab shaqeynayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Kulanka maanta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha la xiriira Dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siiyey marxaladda labaad ee ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka. Sidoo kale, mudanayaashu waxay si faahfaahsan uga hadleen Cutubka Afraad ee wax-ka-beddelka kooban, kaas oo khuseeya Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah.
Bilowga kulanka, Guddoonka Guddiga Baarlamaanka Labadiisa Aqal u qaabilsan Dib-u-eegista iyo La-socodka Dastuurka, oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa mudanayaasha labada Aqal u soo bandhigay warbixin dhammaystiran. Warbixintaasi waxay si qoto dheer u faahfaahinaysay wax-ka-beddelka kooban ee lagu sameeyey Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, ujeeddooyinkooda, iyo muhiimadda ay u leeyihiin hannaanka dowlad-dhiska dalka.
Kadib soo bandhigista warbixinta, mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood ballaaran ka yeeshay qodobada la soo jeediyey, iyaga oo muujiyey aragtiyo kala duwan, talooyin wax-ku-ool ah, iyo su’aalo la xiriira saameynta wax-ka-beddelkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka, awood qaybsiga, iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladnimada.
Dooddaasi kaddib, guddiyada ku shaqada leh ayaa ka jawaabay su’aalaha iyo talooyinka mudanayaasha, iyaga oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha keenay soo-jeedimaha wax-ka-beddelka iyo sida loo hirgelin karo marka la ansixiyo.
Gabagabadii kulanka, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa sheegay in hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka uu yahay geeddi-socod qaran oo u baahan wada-tashi, dulqaad iyo ka-qaybgal ballaaran. Waxa uu sidoo kale xusay in dooda maanta la bilaabay ay sii socon doonto, isla markaana si rasmi ah loo sii amba-qaadi doono kulanka xiga ee wadajirka ah, kaas oo lagu wado inuu qabsoomo maalinta Isniinta ah.










