Beijing, Shiinaha – May 13, 2026 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Beijing, halkaas oo uu kula yeelanayo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping wadahadallo heer sare ah oo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal, ganacsiga, dagaalka Iran, arrimaha Taiwan iyo tartanka tiknoolajiyadda. Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah ku tago Shiinaha tan iyo safarkii Trump ee Beijing bishii November 2017.
Trump ayaa garoonka Beijing Capital International Airport si rasmi ah loogu soo dhoweeyay, waxaana qaabilaadda qeyb ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Shiinaha Han Zheng, taas oo warbaahinta Mareykanka qaarkeed ku tilmaantay farriin diblomaasiyadeed oo muujineysa muhiimadda ay Beijing siisay booqashada.
Safarka Trump waxaa ku wehliya ganacsato iyo madax sare oo ka tirsan shirkadaha waaweyn ee Mareykanka, waxaana warbaahinta caalamka ay xustay Elon Musk, Tim Cook iyo madax kale oo dhinaca tiknoolajiyadda ah. Arrintan ayaa muujineysa in dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashigu uu qeyb weyn ka yahay ajandaha booqashada.
Wadahadallada Trump iyo Xi ayaa la filayaa inay taabtaan qodobo culus oo ay kamid yihiin heshiisyada ganacsiga, canshuuraha, rare earth minerals, sirdoonka macmalka ah, Taiwan, iyo saameynta dagaalka Iran ku yeeshay dhaqaalaha caalamka iyo marinnada shidaalka. Trump ayaa ka hor kulanka sheegay inuusan u baahnayn kaalinta Shiinaha ee arrinta Iran, inkastoo falanqeeyayaal badan ay aaminsan yihiin in Beijing ay saameyn ku leedahay xasilloonida gobolka iyo suuqyada tamarta.
Booqashadan ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Washington iyo Beijing uu wajahayo cadaadis xooggan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, tiknoolajiyadda, Taiwan iyo tartanka saameynta caalamiga ah. Labada hoggaamiye ayaa laga filayaa inay isku dayaan dejinta xiisadaha, inkastoo khilaafaadka waaweyn ee labada dal aysan si fudud ku dhammaan doonin.
Si kastaba ha ahaatee, shirkan Beijing ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara jihada xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, gaar ahaan haddii labada dhinac ay gaaraan is-afgarad ku saabsan ganacsiga, xasilloonida gobolka iyo maareynta tartanka istiraatiijiga ah ee labada quwadood.












