• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Wednesday, September 30, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Taariikhda kooban ee Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman

Eng. Ayub Liban by Eng. Ayub Liban
September 9, 2026
in News, WARARKA MAANTA
0
Taariikhda kooban ee Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman
0
SHARES
221
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

TAARIIKH-NOLOLEEDKA RASMIGA AH EE GARYAQAAN DR. YASIN AHMED OSMAN

Lawyer | Public Notary Officer | Legal Consultant | University Lecturer | Public Service Professional

Founder & Head — Al-Amin Public Notary & Legal Consultancy

“U Adeegidda Sharciga iyo Bulshada”
“Legal Insight. Business Instinct.”

1. DHALASHADA IYO SOO KORITAANKA

Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu ku dhashay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, Soomaaliya, taariikhdu markay ahayd 27-ka Luulyo 1994, oo ku beegnayd maalin Arbaco ah, kuna aaddan 18-ka Safar 1415 Hijriyada.

Wuxuu sannadihii carruurnimadiisa iyo barbaarintiisa ku soo qaatay Magaalada Marka, oo ah caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa aasaasiga ah, barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta diinta.

Ku soo barbaaridda Magaalada Marka waxay qayb muhiim ah ka qaadatay dhismaha shakhsiyaddiisa, aqoontiisa, fahamkiisa bulshada iyo jihada uu mustaqbalka u qaatay dhinacyada Sharciga, Diinta, Waxbarashada iyo Adeegga Bulshada.

2. BARASHADA QUR’AANKA KARIIMKA AH

1998 – 2013
Magaalada Marka — Gobolka Shabeellaha Hoose

Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu barashada Qur’aanka Kariimka ah bilaabay isagoo carruur ah, sanadkii 1998, wuxuuna ku soo qaatay muddo dheer oo ku saabsan barashada, akhriska iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah, isagoo waxbarashadaas ku waday magaalada Marka ilaa sanadkii 2013.

Barashada Qur’aanka Kariimka ah waxay noqotay aasaaska aqooneed iyo tarbiyadeed ee noloshiisa hore, waxayna u gogol xaartay inuu sii ambaqaado waxbarashada culuumta Islaamka.

3. BARASHADA CULUUMTA DIINTA ISLAAMKA

2004 – 2017
Magaalada Marka & Muqdisho

Intii u dhexeysay 2004 ilaa 2017, Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu si nidaamsan u bartay Culuumta Diinta Islaamka, isaga oo waxbarashadaas ku soo qaatay Magaalada Marka iyo Magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa diineed waxay taabatay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

Fiqiga • Xadiiska • Akhlaaqda • Usuulka • Naxwaha Carabiga • Taariikhda Islaamka • Seerada • Mad-habyada Fiqhiga

Waxa uu bartay kutub iyo manhajyo kala duwan oo ka tirsan culuumta Islaamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. سفينة الصلاة
2. الدرر البهية
3. رياض البديع
4. أبي شجاع
5. المنهج القويم
6. أنوار المسالك
7. التنبيه
8. الأربعين
9. عمدة الأحكام
10. بلوغ المرام
11. الأدب المفرد
12. أبي جمرة
13. رياض الصالحين
14. مختصر صحيح البخاري
15. مذاهب الأئمة الأربعة
16. مقدمة الآجرومية
17. العمريطي
18. كواكب الدرية
19. قطر الندى وبل الصدى
20. ألفية ابن مالك
21. صور من حياة الصحابة
22. صور من حياة التابعين
23. نور اليقين
24. ياقوت النفيس

Barashada kutubtan waxay u sahashay inuu helo saldhig ballaaran oo ku saabsan Fiqiga Islaamka, Xadiiska, Akhlaaqda, Naxwaha iyo culuumta Carabiga, Seerada iyo Taariikhda Islaamka, taas oo markii dambe qayb ka noqotay aqoontiisa Shareecada iyo Sharciga.

4. WAXBARASHADA DUGSIYADA

2001 – 2005
Iskuulka Alla-Magan — Degmada Marka

Waxbarashada Hoose

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay Iskuulka Alla-Magan ee Degmada Marka.

2005 – 2009
Al-Harameyn College — Degmada Marka

Waxbarashada Dhexe

Kadib wuxuu waxbarashadiisa u gudbay Al-Harameyn College ee Degmada Marka, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashada heerka dhexe.

2009 – 2013
Iskuulka Abubakar Sadiq — Degmada Marka

Waxbarashada Sare

Sanadihii 2009 ilaa 2013 wuxuu waxbarashadiisa sare ku qaatay Iskuulka Abubakar Sadiq ee Degmada Marka.

5. WAXBARASHADA JAAMACADEED

2013 – 2018
Al-Umm International University — Muqdisho

Faculty of Sharia & Law

Heerka Koowaad

Sanadkii 2013 ayuu bilaabay waxbarashada jaamacadeed ee Al-Umm International University, magaalada Muqdisho, isaga oo bartay Shareecada iyo Sharciga (Sharia & Law).

Waxbarashadan waxay siisay aqoon nidaamsan oo ku saabsan culuumta sharciga iyo Shareecada, waxayna saldhig u noqotay xirfaddiisa sharciyeed.

2019 – 2021
Al-Umm International University — Muqdisho

Faculty/College of International Law

Heerka Labaad

Kadib wuxuu sii watay waxbarashadiisa heerka labaad, isaga oo sanadihii 2019 ilaa 2021 ku takhasusay International Law — Sharciga Caalamiga ah.

Waxbarashadan ayaa sii ballaarisay aqoontiisa dhinacyada sharciga caalamiga ah iyo fahamka nidaamyada sharciyeed ee heer qaran iyo heer caalami.

6. BILOWGII SAFARKA SHAQO

2013 – 2014
Xisaabiye — Al-Hamad General Trading Company

Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu bilowgii safarkiisa shaqo ka soo bilaabay dhinaca ganacsiga iyo maamulka maaliyadda, isagoo ahaa Xisaabiye ka tirsan Al-Hamad General Trading Company.

2014 – 2017
Maamule — Madarsada Ummu Safiya ee Barashada Qur’aanka Kariimka ah

Intii u dhexeysay 2014 ilaa 2017 wuxuu ahaa Maamulaha Madarsada Ummu Safiya, isagoo masuul ka ahaa maamulka iyo hawlaha waxbarashada Qur’aanka Kariimka ah.

2017 – 2019
Tababarte — Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Sanadihii 2017 ilaa 2019 wuxuu tababarte ka ahaa Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, halkaas oo uu ku kasbaday waayo-aragnimo ku saabsan howlaha sharciyeed iyo nidaamka cadaaladda.

7. ADEEGGA DIINTA IYO DOWLADDA

2019 – 2025
Daaci — Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS

Laga bilaabo 2019 ilaa 2025 wuxuu ka tirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka shaqeynayay dhinaca dacwada iyo wacyigelinta diinta.

2021 – Hadda
Sarkaal Guud — Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS

Laga bilaabo 2021 ilaa hadda wuxuu ka tirsan yahay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo ah Sarkaal Guud.

8. NOOTAAYADA IYO LA-TALINTA SHARCIGA

2021 – Hadda
Madaxa Xafiiska — Al-Amin Public Notary & Legal Consultancy

Dr. Yasin Ahmed Osman waa Madaxa Xafiiska Nootaayada Al-Aamin & Latalinta Sharciga, isaga oo hoggaaminaya adeegyada Nootaayada Dadweynaha iyo La-talinta Sharciga.

Xafiisku wuxuu qabtaa adeegyo ay ka mid yihiin:

  1. Nootaayada Dadweynaha;
  2. Diyaarinta dukumentiyada sharciyeed;
  3. Heshiisyada iyo qandaraasyada;
  4. Arrimaha hantida iyo wareejinta lahaanshaha;
  5. Arrimaha dhaxalka;
  6. Awoodaha Wakiillada;
  7. La-talinta Sharciga;
  8. Legal Research & Legal Advice;
  9. Corporate & Commercial Legal Services;
  10. Iyo adeegyo kale oo sharciyeed.

9. HOGGAAMINTA URURKA NOOTAAYOOYINKA

2025 – Hadda
Madaxa Qeybta Waliyoow Cadde

Ururka Nootaayooyinka Gobolka Banaadir

Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu laga bilaabo 2025 yahay Madaxa Qeybta Waliyoow Cadde ee Ururka Nootaayooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka kala ah :- Hodan, Waaberi, Xamar-Jajab, Xamarweyne, Shangaani

2025 – Hadda
Xubin — Golaha Fulinta

Sidoo kale wuxuu xubin ka yahay Golaha Fulinta ee Ururka Nootaayooyinka Gobolka Banaadir.

10. WAXBARID IYO ACADEMIC CAREER

Ururka Nootaayooyinka Gobolka Banaadir

2020 – 2022
Bare — Al-Umm International University

Wuxuu ahaa Bare ka tirsan Al-Umm International University, isaga oo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa la wadaagay ardayda jaamacadda.

2024 – Hadda
Bare — Jaamacadda Imaamu Shaafici

Laga bilaabo 2024 ilaa hadda wuxuu ka tirsan yahay Jaamacadda Imaamu Shaafici isagoo ah Bare, kana qayb qaata waxbaridda iyo horumarinta aqoonta ardayda.

11. LA-TALIN SHARCI IYO HOGGAAMIN HAY’ADO

2023 – Hadda
Lataliye Sare Xiriirka Guud — Ururka Shaqaalaha Dowladda (X.G.U.SH.D)

2023 – Hadda
Aasaasaha — Dunya Company for Hajj and Umrah

2023 – Hadda
Lataliyaha Arrimaha Sharciga — Power Technology Industry

2019 – Hadda
CEO & Founder — Agro-Coastal Research and Development Organization (ACORDO)

2025 – Hadda
Lataliyaha Arrimaha Sharciga — Golaha Mideysan ee Culimada Soomaaliyeed

Masuuliyadahan kala duwan waxay muujinayaan isku-darka uu Dr. Yasin Ahmed Osman ku sameeyey sharciga, maamulka, waxbarashada, adeegga bulshada, ganacsiga iyo hoggaaminta hay’adaha.

12. ARAGTIDA IYO FALSAFADDA XIRFADEED

Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu aaminsan yahay in aqoontu tahay masuuliyad, sharciguna yahay adeeg bulshada loogu adeego.

Falsafaddiisa xirfadeed waxay ku dhisan tahay:

Daacadnimo                   — Integrity
Cadaalad                        — Justice
Hufnaan                         — Transparency
Xirfadnimo                     — Professionalism
Mas’uuliyad                    — Responsibility
Adeeg Bulsho                 — Public Service
Ixtiraamka Sharciga        — Respect for Law

Wuxuu si gaar ah u aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu fahmaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda, isla markaana adeegyada sharciyeed loo helo si hufan, sax ah oo lagu kalsoonaan karo.

13. HIMILADA

Himilada Dr. Yasin Ahmed Osman waa in uu ka qayb qaato dhismaha bulsho leh wacyi sharci, aqoon, cadaalad iyo adeegyo sharciyeed oo la heli karo, isaga oo isku xiraya aqoonta Shareecada, Sharciga, Sharciga Caalamiga ah iyo waayo-aragnimada xirfadeed.

Waxaa saldhig u ah hal-ku-dhegga:

“U Adeegidda Sharciga iyo Bulshada.”

Legal Insight. Business Instinct.”

14. GABA-GABO IYO GUNAANAD

Taariikhda Garyaqaan Dr. Yasin Ahmed Osman waa safar ka soo bilaabmay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, halkaas oo uu ku dhashay 27-kii Luulyo 1994, kuna sii socday Magaalada Marka, halkaas oo uu ku soo qaatay barbaarintiisa, waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare, barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta diinta Islaamka.

Kadib wuxuu u gudbay Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka sii watay waxbarashada jaamacadeed ee Shareecada iyo Sharciga, dabadeedna ku takhasusay Sharciga Caalamiga ah.

Safarkiisa waxbarasho iyo xirfadeed wuxuu ku xirmay adeegga dowladda, Nootaayada Dadweynaha, la-talinta sharciga, waxbarashada jaamacadeed, hoggaaminta ururrada, maamulka hay’adaha iyo adeegga bulshada.

Maanta, Dr. Yasin Ahmed Osman wuxuu leeyahay doorar badan oo isugu jira Garyaqaan, Nootaayo Dadweyne, La-taliye Sharci, Bare Jaamacadeed, Sarkaal Dowladeed, Hoggaamiye Urur iyo Aasaase/Hoggaamiye Hay’ado, isagoo xoogga saaraya horumarinta sharciga, aqoonta, adeegga bulshada iyo helitaanka cadaaladda.

Safarkiisu wuxuu tusaale u yahay isku-darka aqoon, shaqo, adeeg iyo masuuliyad bulsho.

GARYAQAAN DR. YASIN AHMED OSMAN

Lawyer | Public Notary Officer | Legal Consultant | University Lecturer

Public Service Professional Founder & Head — Al-Amin Public Notary & Legal Consultancy

Previous Post

Bandhigga Tacliinta Sare ee Soomaaliya 2026 oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Next Post

Soomaaliya oo Hiigsanaysa Inay Noqoto Albaabka Dijitaalka ah ee Isku Xira Afrika iyo Caalamka

Eng. Ayub Liban

Eng. Ayub Liban

Eng. Ayub Liban waa qoraa sare oo ka tirsan Qaranimo Online, kuna takhasusay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo sharciga. Isagoo si mutadawacnimo ah ula shaqeeya Qaranimo Online, wuxuu bulshada la wadaagaa warar, warbixino iyo qoraallo xog-ogaal ah oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu qayb ka yahay dadaalka Qaranimo Online ee lagu gaarsiinayo Soomaalida gudaha dalka iyo qurbo-joogta warar iyo macluumaad la isku halayn karo, iyadoo la adeegsanayo madasha caalamiga ah ee Qaranimo Online.

Next Post
Soomaaliya oo Hiigsanaysa Inay Noqoto Albaabka Dijitaalka ah ee Isku Xira Afrika iyo Caalamka

Soomaaliya oo Hiigsanaysa Inay Noqoto Albaabka Dijitaalka ah ee Isku Xira Afrika iyo Caalamka

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.