Moscow, Ruushka — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, isagoo matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka ayaa kulmiyey madaxda Afrika iyo Ruushka, kuwaas oo ka wada arrinsanaya jihada iskaashiga labada dhinac ee sannadaha soo socda iyo fursadaha lagu horumarin karo xiriirkooda.
Soomaaliya ayaa ku baaqaysa in iskaashigaasi uu xoogga saaro arrimaha mudnaanta u leh dalka, oo ay ugu horreeyaan amniga badda, maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah, tamarta iyo horumarinta xirfadaha. Qodobadan ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee ka faa’iidaysiga khayraadkiisa iyo ballaarinta fursadaha horumarineed.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka ayaa qayb ka ah dadaallada ay ku xoojinayso xiriirkeeda caalamiga ah, kuna raadinayso iskaashi taageera baahiyaha iyo himilooyinka horumarineed ee dalka.
Soomaaliya, oo leh xeeb dheer iyo khayraad badeed, isla markaana xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa taageeraysa ajande Afrikaan ah oo mudnaanta siinaya iskaashi wax-ku-ool ah iyo natiijooyin la taaban karo. Aragtidan ayaa salka ku haysa in wadashaqaynta caalamiga ahi ay horseeddo tallaabooyin ka jawaabaya baahiyaha dalalka Afrika.












