NOUAKCHOTT, MAURITANIA | Qaranimo Online — Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda Mauritania kaga qaybgalaya Kalfadhiga 39-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dacwada, Shareecada Islaamka iyo Siirada Nabiga.
Shirweynahan oo maanta si rasmi ah u furmay ayaa soconaya muddo saddex maalmood ah, waxaana ka qaybgalaya wufuud ka kala socota in ka badan 50 dowladood. Madasha waxaa isugu yimid culimo, aqoonyahanno, masuuliyiin dowladeed iyo wakiillo matalaya hay’adaha diinta iyo ururrada Islaamiga ah ee caalamka.
Kulankan caalamiga ah ayaa diiradda lagu saarayaa barashada, faafinta iyo ku-dhaqanka hanuunka laga dhaxlay Siirada Nebi Muxammad (NNKH), iyadoo laga doodayo sida casharrada ku jira noloshii Nabiga loogu adeegsan karo dhisidda bulsho ku dhaqanta nabadda, caddaaladda, isu-tanaasulka iyo akhlaaqda wanaagsan.
Mawduucyada muhiimka ah ee shirweynaha looga hadlayo waxaa ka mid ah xoojinta fahamka tawxiidka, saxidda caqiidada, kobcinta akhlaaqda suubban iyo sidii bulshada Muslimiinta loogu dhiirrigelin lahaa ku-dhaqanka mabaadi’da dhexdhexaadnimada, isu-naxariisashada iyo wada noolaanshaha.
Waxaa sidoo kale la filayaa in doodaha shirku taabtaan kaalinta culimada iyo hay’adaha diintu ku leeyihiin waxbaridda bulshada, ilaalinta qiyamka Islaamka iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah, kala-qaybsanaanta iyo fahamka qaldan ee diinta. Ka qaybgalayaashu waxay isweydaarsanayaan aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan hababka casriga ah ee dacwada iyo gaarsiinta farriinta Islaamka jiilalka cusub.
Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalaya shirkan, isaga oo ka qaybqaadanaya kulamada iyo doodaha la xiriira arrimaha diinta, dacwada, waxbarashada Islaamiga ah iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladaha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Islaamka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Kalfadhiga 39-aad ayaa muhiimad gaar ah u leh dalka, maadaama uu fursad siinayo in Soomaaliya ay madasha caalamiga ah ku soo bandhigto waayo-aragnimadeeda ku saabsan horumarinta arrimaha diinta, wacyigelinta bulshada iyo dadaallada lagula dagaallamayo fikradaha xagjirka ah.
Shirweynuhu wuxuu sidoo kale Soomaaliya u yahay fursad ay ku xoojin karto xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga ay la leedahay Mauritania iyo dalalka kale ee ka qaybgalaya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada diinta, tababarka culimada, cilmi-baarista Islaamiga ah iyo isdhaafsiga khibradaha.
Inta uu shirku socdo, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar ah la yeesho masuuliyiin, culimo iyo wakiillo ka socda dowladaha iyo hay’adaha ka qaybgalaya. Kulamadaas ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta iskaashiga diimeed iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada waxbarashada iyo dacwada Islaamka.
Shirweynaha Caalamiga ah ee Siirada Nabiga ayaa ah madal ay culimada, masuuliyiinta iyo aqoonyahannada Muslimiintu ku falanqeeyaan caqabadaha soo wajaha bulshooyinka Islaamka, isla markaana ku soo bandhigaan aragtiyo iyo talooyin ku salaysan Qur’aanka Kariimka ah, Sunnada iyo hanuunka suubban ee Nebi Muxammad (NNKH).
Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya dadaalka Dowladda Federaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dunida Islaamka iyo sare u qaadidda doorka ay culimada Soomaaliyeed ku leeyihiin faafinta diinta, nabadaynta bulshada iyo dhismaha jiil ku barbaara aqoon, akhlaaq iyo dhexdhexaadnimo.











