Ankara | September 13, 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU), kaas oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada hay’adood ee dhinacyada isgaarsiinta elektaroonigga ah iyo teknoolojiyadda casriga ah.
Heshiiska ayaa dhigaya in labada hay’adood ay iska kaashadaan dhinacyo muhiim u ah horumarinta iyo nidaaminta adeegyada isgaarsiinta. Qodobbada lagu heshiiyey waxaa ka mid ah nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka isgaarsiinta iyo hirgelinta kaabeyaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee broadband-ka.
Sidoo kale, iskaashigu wuxuu taabanayaa amniga iyo adkaysiga shabakadaha, tayeynta adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, ilaalinta macaamiisha iyo qodobbo kale oo la xiriira nidaamka isgaarsiinta elektaroonigga ah. Arrimahan ayaa muhiim u ah dhismaha adeegyo isgaarsiineed oo ammaan ah, la isku halleyn karo, isla markaana la jaanqaadi kara horumarka degdegga ah ee teknoolojiyadda.
Heshiiska waxaa xarunta dhexe ee BTK ee magaalada Ankara ku kala saxiixday Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta Türkiye, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu.
Guddoomiyaha BTK, Ömer Abdullah Karagözoğlu, ayaa sheegay in iskaashigani uu fursad siinayo labada dhinac inay sare u qaadaan is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha dhinaca nidaaminta.
“Annagoo u mareyna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaaminta, si loo horumariyo qaybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee Türkiye iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Karagözoğlu.
Maareeyaha Guud ee HIQ, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiisku xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeeya HIQ iyo BTK. Waxa uu sidoo kale xusay inuu taageerayo dhisidda awoodda shaqaalaha, wadaagista aqoonta iyo horumarinta qaab-dhismeed nidaamineed oo wax ku ool ah.
Sida uu sheegay Maareeyaha Guud, iskaashigan ayaa qayb ka qaadan kara kobaca iyo casriyeynta qaybaha isgaarsiinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u baahan aqoon farsamo, nidaam hufan iyo khibrado la jaanqaadaya isbeddellada teknoolojiyadda casriga ah.
Kaddib munaasabadda saxiixa, Maareeyaha Guud iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa kulammo gaar ah la yeeshay madaxda iyo khubarada Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada. Kulammadaas waxaa lagu qabtay wadahadallo farsamo, aqoon-is-weydaarsiyo iyo kulammo lagu wadaagayey khibradaha labada dhinac.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hab-dhaqannada nidaamineed, amniga saaybarka, ilaalinta xuquuqda macaamiisha iyo hab-maamulka internet-ka. Heshiiskan is-afgaradka ahi wuxuu saldhig u noqonayaa wada-shaqeyn joogto ah oo HIQ iyo BTK dhex marta, iyadoo labada hay’adood ay wadaagi doonaan aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta nidaaminta iyo horumarinta isgaarsiinta elektaroonigga ah.












