MUQDISHO — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubbad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee warfaafinta, dalxiiska iyo ilaalinta dhaqanka ay wadaagaan labada shacab.
Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqaynta dhinacyada warfaafinta iyo dalxiiska. Waxa ay sidoo kale isla soo qaadeen iskaashiga lagu ilaalinayo laguna horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Kulanka kaddib, labada mas’uul ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka, oo loo yaqaan Tiyaatarka Qaranka.
Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa wasiirka iyo safiirka ku soo dhoweeyay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ku soo bandhigeen heeso ka tarjumayay xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti. Bandhigga ayaa qayb ka ahaa soo dhoweynta labada mas’uul, isagoo muujinayay dhaqanka ay wadaagaan labada shacab.
![]()
![]()












