MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqday shirkadda Marina Seafood iyo doonteeda Maanya Mooya, si uu ugu kuurgalo hawlaheeda kalluumeysi una dhiirrigeliyo maalgashiga khayraadka badda Soomaaliya.
Booqashadan, oo ku soo beegantay Toddobaadka Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku soo xiratay doonta Maanya Mooya ee shirkaddu u adeegsato kalluumeysiga.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaa kormeerka ku wehliyey Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan. Mas’uuliyiinta ayaa waxaa dekedda ku soo dhaweeyey maareeye-ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji iyo Eng. Ismaaciil Aw Muuse.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyey shirkadda Marina Seafood iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday inay maalgashadaan ka faa’iidaysiga iyo dhoofinta khayraadka dalka. Waxa uu dhiirrigeliyey dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo ka ganacsiga khayraadka badda.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalka.
Kormeerkan ayaa iftiimiyey muhiimadda maalgashiga kalluumeysiga iyo taageeridda ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaysa horumarinta iyo suuqgeynta khayraadka badda Soomaaliya.













