• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Wednesday, September 30, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranku Waa Inay Soo Saarto Hoggaamiyeyaal Daacad ah oo Dalka Wax Ka Beddela

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
September 9, 2026
in News, WARARKA MAANTA
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa: Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranku Waa Inay Soo Saarto Hoggaamiyeyaal Daacad ah oo Dalka Wax Ka Beddela
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho, Speterber 9, 2026  – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka ee National Leadership Academy (NLA), oo loo aas-aasay horumarinta tayada hoggaamineed iyo diyaarinta jiil cusub oo hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray halka ay marayaan diyaar-garowga iyo hawlaha Akadeemiyadda, qorshayaasha lagu horumarinayo hoggaaminta dalka iyo sidii xaruntani uga qeyb qaadan lahayd dhismaha hay’ado ay hoggaamiyaan shaqsiyaad leh aqoon, karti, daacadnimo iyo dareen waddaniyadeed.

Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxyaabihii la qabtay iyo qorshayaasha horyaalla. Waxay sheegeen in la dhammaystiray xarumihii ay Akadeemiyaddu ku shaqayn lahayd, lana diyaariyey manhajka waxbarashada iyo tababarrada hoggaaminta.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale soo bandhigeen in heshiisyo is-afgarad ah lala gaaray xarumo iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah. Iskaashigan ayaa loogu talagalay in Akadeemiyadda laga taageero dhinacyada aqoonta, cilmi-baarista, diyaarinta manhajka iyo horumarinta tababarrada hoggaaminta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddiga Sare iyo Maamulka NLA ku bogaadiyey dadaalka iyo shaqada baaxadda leh ee ay geliyeen dhismaha iyo diyaarinta Akadeemiyadda. Waxa uu sheegay in xaruntani ay timid xilli Soomaaliya ay baahi weyn u qabto hoggaamiyeyaal aqoon leh, masuul ah, kana shaqeeya danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-beddel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, beddela hab-fikirka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotonta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay in waxbarashada hoggaamintu aysan ku ekaan barashada habka loo maamulo xafiisyada iyo hay’adaha, balse ay tahay inay qofka ku dhisto masuuliyad, anshax, aragti fog iyo awood uu ku gaari karo go’aanno dan u ah bulshada.

Waxa uu tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu ku xiranyahay helitaanka hoggaan fahamsan duruufaha dalka, awoodna u leh inuu mideeyo bulshada, xalliyo caqabadaha jira, isla markaana horseedo isbeddel waara. Sidaas awgeed, Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka ayaa laga filayaa inay noqoto xarun lagu kobciyo aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee jiilalka hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale kula dardaarmay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda inay diyaariyaan fikrado, manhajyo iyo tababarro wax looga beddeli karo hab-dhaqannada muddada dheer dib u dhigay horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu si gaar ah u xusay baahida loo qabo in laga hortago musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, kuwaas oo caqabad ku noqday dhismaha dowladnimo hufan, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta kalsoonida shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay maamulka Akadeemiyadda inay soo saaraan hoggaamiyeyaal ku dhaqma daahfurnaan, caddaalad, isla-xisaabtan iyo ilaalinta hantida qaranka. Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan lagu garto adeegga uu bulshada u qabto, ilaalinta danta guud iyo awoodda uu u leeyahay inuu dadka ku hago waddada nabadda, wadajirka iyo horumarka.

Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato kobcinta awoodda hoggaamineed ee Soomaaliya, beddelidda hab-fikirrada aan waafaqsanayn dowladnimada casriga ah iyo diyaarinta shaqsiyaad aqoon iyo karti u leh inay si hufan ugu adeegaan dalka.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda NLA ayaa muujinaya muhiimadda ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya siinayso dhismaha hoggaan tayo leh oo horseedi kara dowladnimo ku dhisan aqoon, waddaniyad, daacadnimo iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun

Next Post

Bandhigga Tacliinta Sare ee Soomaaliya 2026 oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Bandhigga Tacliinta Sare ee Soomaaliya 2026 oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Bandhigga Tacliinta Sare ee Soomaaliya 2026 oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News