Kampala, Uganda – May 12, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo si rasmi ah loogu dhaariyay xilka madaxtinimada muddo xileed cusub.
Munaasabadda caleema-saarka oo ka dhacday Garoonka Kololo Ceremonial Grounds ee magaalada Kampala ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax iyo wufuud heer sare ah oo ka kala timid dalal badan oo Afrika ah, iyadoo munaasabadda ay ahayd mid si weyn loo abaabulay isla markaana ay hareeyeen ammaanka iyo qabanqaabooyin heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo rasmi ah u diray Madaxweyne Museveni, isagoo ugu hambalyeeyay billowga muddo xileedkiisa cusub, islamarkaana u rajeeyay shacabka Uganda nabad, horumar iyo barwaaqo sii socota.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujinaya xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, oo kamid ah dalalka ugu muhiimsan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Dowladda Uganda ayaa door weyn ku lahayd howlgaladii Midowga Afrika ee Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano.
Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, ayaa loo dhaariyay muddo xileedkiisii toddobaad, taas oo sii dheereyneysa hoggaamintiisa Uganda ilaa sanadka 2031. Museveni ayaa xukunka Uganda hayay tan iyo sanadkii 1986, wuxuuna kamid yahay hoggaamiyeyaasha Afrika ugu muddada dheer xukunka.
Wararka ka imanaya Kampala ayaa sheegaya in munaasabadda ay kasoo qeyb galeen madax badan oo Afrikaan ah iyo wakiillo caalami ah, kuwaas oo muujiyay muhiimadda Uganda ku leedahay siyaasadda iyo amniga gobolka Bariga Afrika.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Madaxweyne Museveni ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto qorshayaasha horumarineed, xoojinta dhaqaalaha iyo ilaalinta amniga gudaha iyo gobolka. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay madaxda iyo dalalka kasoo qeyb galay caleema-saarkiisa, isagoo sheegay in taageerada iyo wada-shaqeynta gobolka ay muhiim u yihiin xasilloonida Bariga Afrika.
Ka qeybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee munaasabaddan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa taageerada amni iyo siyaasadeed siiya dowladda Federaalka Soomaaliya.
![]()











