Baydhabo, Soomaaliya — Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya.
Kulanka, oo ay ka qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga deegaannada maamulka, wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo isku dubbaridka dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo ciidamada nabad ilaalintu si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo isku xirka hawlgallada amniga iyo wada shaqaynta dhinacyada ay khusayso. Arrimahaas ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaalinta nabadda iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah.













