KISMAAYO — Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Kismaayo, kuwaas oo qayb ka ah wejiga koowaad ee qorshe lagu horumarinayo kaabeyaasha, adeegyada iyo qalabka dekedda.
Mashaariicdan ayaa lagu fuliyay iskaashi dhexmaray Dowladda Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group). Qorshaha ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo awoodda shaqo ee dekedda, la tayeeyo adeegyada ay bixiso, isla markaana loo horumariyo xarun ganacsi oo casri ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee dekedda oo lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo casriyeyn. Hagaajinta xarumahan ayaa loogu talagalay dardargelinta hawlaha dekedda, kor u qaadista hufnaanta maamulka iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo ganacsatada iyo bulshada.
Intii ay munaasabaddu socotay, Axmed Maxamed Islaam ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa hawlaha dib-u-dhiska iyo horumarinta. Warbixinta ayaa lagu faahfaahiyay qorshayaasha wejiyada xiga iyo tallaabooyinka la doonayo in lagu sii ballaariyo laguna casriyeeyo kaabeyaasha dekedda.
Furitaanka dhismayaashan ayaa sidaas ku noqonaya qaybtii koowaad ee mashruuc ballaaran, iyadoo qorshayaasha la soo bandhigay ay tilmaamayaan in horumarinta dekeddu ay sii socon doonto wejiyo kale.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubaland, maamulka iyo mas’uuliyiinta Dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday AD Ports Group iyo howl-wadeennada dekedda.
Dowladda Jubaland ayaa mashaariicdan ku xiriirisay dadaalladeeda ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga. Dekedda Kismaayo ayaa door muhiim ah ku leh isku xirka ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah, waxaana casriyeynteeda laga filayaa inay xoojiso kaalintaas, iyadoo kor loo qaadayo tayada adeegyada iyo awoodda ay ku maareyso hawlaha ganacsiga.












