• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Friday, October 2, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Amniga, Waxqabadka Xukuumadda iyo Mideynta Sumadda Qaranka

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
September 10, 2026
in News, WARARKA MAANTA
0
Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Amniga, Waxqabadka Xukuumadda iyo Mideynta Sumadda Qaranka
0
SHARES
11
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho | September 10, 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, dhaqaalaha, dib-u-eegista waxqabadka Xukuumadda DanQaran iyo qorshaha lagu mideynayo Sumadda Qaranka Soomaaliya.

Kulanka waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana Golaha lagu soo bandhigay warbixinno ay diyaariyeen wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay khuseeyaan qodobbada ajandaha.

Warbixinta xaaladda amniga dalka

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa Golaha la wadaagay xog la xiriirta hawlgallada ay ciidamada qaranku ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga shacabka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen dagaalladii ka dhanka ahaa kooxaha ay dowladdu ugu yeerto Khawaarijta, iyadoo la sheegay in hawlgallada lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii qorsheynayay falal ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradaha ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen xubnaha kooxda ee isu dhiibaya ciidamada dowladda iyo kuwa maxaabiis ahaan loogu qabtay hawlgallada ka socda deegaannada kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ammaanay shaqada Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga iyo dadaalka ay ciidamada ammaanku ugu jiraan sugidda nabadgelyada dalka.

Waxa uu laamaha amniga faray inay sii adkeeyaan fulinta habraacyada lagu xakameynayo hubka, gaar ahaan hubka aan loo adeegsanayn hawlgallada rasmiga ah ee amniga.

“Qof aan hub la’aan socon karin ma leh caasimadda. Hub lagu xaragoodo ma doonayno. Hubka la wato keliya waa inuu noqdaa mid hawlgal amni lagu xaqiijinayo; cidda kale ee hub wadata waa in la marsiiyaa habraacyada amniga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Amarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo hubka sida aan nidaamsanayn loogu dhex qaato magaalada Muqdisho, laguna xaqiijiyo in cid kasta oo hub wadata ay haysato oggolaansho iyo masuuliyad sharci ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay in hubka lagu dhex qaato caasimadda uu ku koobnaado ciidamada iyo shaqsiyaadka ku jira hawlgallada amniga, halka dadka kale laga doonayo inay u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada ay dejiyeen hay’adaha ammaanku.

Qiimeynta waxqabadka Xukuumadda DanQaran

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixin ku saabsan dib-u-eegista iyo qiimeynta waxqabadka Xukuumadda DanQaran.

Qiimeyntan ayaa lagu eegayaa horumarka laga sameeyay qorshayaashii ay Xukuumaddu dejisay, waajibaadkii loo igmaday wasaaradaha iyo natiijooyinka laga gaaray adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.

Dib-u-eegista ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Xukuumaddu gashay sannadkii shanaad ee ay u adeegayso shacabka Soomaaliyeed. Ujeeddadu waa in la ogaado meelaha horumarka laga sameeyay, caqabadaha weli jira iyo arrimaha u baahan in dadaal dheeraad ah la geliyo.

Warbixintu waxay sidoo kale fursad siinaysaa wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay isla xisaabtamaan, dib u eegaan qorshayaashooda, isla markaana mudnaanta siiyaan howlaha saameynta tooska ah ku leh nolosha shacabka.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday arrimo la xiriira dhaqaalaha dalka iyo muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha dowladda lagu saleeyo hufnaan, waxqabad la cabbiri karo iyo natiijooyin muuqda.

Mideynta Sumadda Qaranka

Qodob kale oo muhiim ahaa oo Golaha Wasiirradu ka dooday ayaa la xiriiray Sumadda Qaranka Soomaaliya.

Warbixinta Sumadda Qaranka waxaa si wadajir ah Golaha ugu soo bandhigay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshahan ayaa looga gol leeyahay dib-u-eegista, hagaajinta iyo mideynta astaamaha rasmiga ah ee ay isticmaalaan wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay shaqada uu hayo Guddiga Sumadda Qaranka, isagoo tilmaamay in mideynta astaamaha dowladdu ay muhiim u tahay ilaalinta haybadda, aqoonsiga iyo muuqaalka qaranka.

Waxa uu xusay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladdu ay tahay inay adeegsadaan calaamado iyo hab-muuqaal isku mid ah, si looga fogaado kala-duwanaansho aan habaysnayn oo dhaawici kara aqoonsiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya.

Mideynta Sumadda Qaranka waxay gacan ka geysan kartaa in waraaqaha rasmiga ah, xafiisyada dowladda, bogagga internetka, warbaahinta iyo adeegyada kale ee dowladdu yeeshaan muuqaal qaran oo isku xiran.

Qorshahan ayaa sidoo kale muhiim u ah xoojinta kalsoonida shacabka, ilaalinta saxnaanta dukumentiyada rasmiga ah iyo in gudaha iyo dibadda lagu aqoonsado astaamo mideysan oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa guud ahaan xoogga lagu saaray dardargelinta waajibaadka Xukuumadda, xoojinta ammaanka, qiimeynta waxqabadka hay’adaha iyo dhismaha nidaam dowladeed oo leh muuqaal iyo aqoonsi qaran oo mideysan.

Previous Post

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Sharciga Lagu Dhisayo Hay’adda Dakhliga Qaranka

Next Post

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ballaarinaya Iskaashiga Tababarka iyo Horumarinta Hay’adaha Amniga

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ballaarinaya Iskaashiga Tababarka iyo Horumarinta Hay’adaha Amniga

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ballaarinaya Iskaashiga Tababarka iyo Horumarinta Hay’adaha Amniga

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.