Muqdisho — Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa Isniintii dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Siinaay, isagoo sheegay in ganacsatadii hore dib loogu celin doono goobahoodii marka shaqadu dhammaato.
Suuqa Siinaay, oo dhawaan la burburiyey, ayaa ka mid ah suuqyada hantida danta guud ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Mashruuca ayaa qayb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta suuqyada caasimadda. Qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu hagaajiyo kaabayaasha ganacsiga, laguna diyaariyo goobo leh adeegyo ku habboon ganacsatada iyo dadka wax ka iibsada.
Yabooh ayaa sheegay in dib-u-dhiska suuqu uu muhiim u yahay ganacsiga iyo bilicda caasimadda. Waxa uu ganacsatadii hore ugu ganacsan jirtay suuqa u ballanqaaday inay dib uga hawlgeli doonaan goobahoodii ganacsi marka mashruuca la soo gabagabeeyo.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Suuqyada, mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, iyo dadweynaha deegaanka.












