Muqdisho – May 11, 2026 – Warar isa soo taraya oo laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo siyaasiyiin ku dhow dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ay bilaabeen dadaallo culus oo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyo hoggaanka mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council), oo ay qeyb muhiim ah ka yihiin maamullada Puntland iyo Jubaland.
Dadaalladan cusub ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka ku saabsan hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka, iyo qorshaha dowladda Federaalka ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, arrimahaas oo mucaaradku si weyn uga horyimid.
Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, kulan muhiim ah oo ay garwadeen ka noqon doonaan diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa la filayaa inuu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho, iyadoo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya lagu wado inuu door muuqda ka qaato isku soo dhaweynta dhinacyada. Wakiillo kale oo ka socda Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dalal daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay goob joog ka noqdaan wada-hadalladaasi.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland la filayo inay yimaadaan Muqdisho si ay uga qeyb galaan wada-hadallo lagu doonayo in xal deg-deg ah looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed ee dalka. Kulamadan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, loogana baaqsan lahaa xaalad siyaasadeed oo cakiran oo saameyn karta amniga iyo xasilloonida dalka.
Mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe ku eedeynayay dowladda Federaalka inay si kali-talisnimo ah ku waddo qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah, iyagoo sheegay inaan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in go’aan kasta oo hal dhinac ah uu horseedi karo kala qeybsanaan siyaasadeed iyo qalalaase cusub.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay aqbashay dalabyo ay mucaaradku horay usoo jeediyeen, kuwaas oo ay kamid tahay in wada-hadallada lagu qabto goob dhexdhexaad ah oo ay goobjoog ka yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka, si loo xaqiijiyo kalsooni iyo dhexdhexaadnimo.
Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan si cad u taageeray baaqyada ku aaddan wadahadal loo dhan yahay. Warbixinno caalami ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada uu sii xoogeysanayay tan iyo murankii dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka.
Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa dadaalladan u arka kuwo muhiim u ah ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dagaalka Al-Shabaab, iyo muran siyaasadeed oo sii kala fogeynaya dhinacyada siyaasadda isku haya.
Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda si weyn ugu jeeda natiijada kasoo baxda wada-hadalladan la filayo, kuwaas oo loo arko fursad muhiim ah oo lagu dejin karo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa iyo in dalka looga badbaado qalalaase siyaasadeed oo horleh.












