• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Monday, September 14, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Xiisadda Yemen iyo Gacanka oo Sii Kordhay: Xuutiyiinta oo Sacuudiga u Digay, Wadahadalladii Hormuzna Dib Loo Dhigay

    Canada iyo Midowga Yurub oo Sahaminaya Heshiis Fududeyn Kara Shaqada iyo Deggenaanshaha Muwaadiniinta

    Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo Maalgashadayaasha Caalamka u Bandhigaya Canada Xilli uu Sii Adkaanayo Khilaafka Ganacsi ee Mareykanka

    Trump oo Muujiyay Suurtagalnimada Wadahadal Iran, Xilli Xiisadda Gacanka iyo Weerarrada Xuutiyiintu Sii Kordhayaan

    Soomaaliya iyo Jarmalka oo Laga Sugayo Xaqiijinta Qorshe Dib Loogu Celinayo 1,900 Soomaali ah

    Eritrea oo walaac ka muujisay saameynta istiraatiijiga ah ee Imaaraadka ku leeyahay dekedaha Afrika

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO | VIDEOS
No Result
View All Result

Aqalka Sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kala Hadlay Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka

0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho | September 14, 2026 – Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda waxaa hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka ku wehlinayay xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka, oo ka qabsoomay xafiiska Guddiga, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer). Waxa uu qayb ka ahaa gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga, gaar ahaan dib-u-eegista iyo turxaan-bixinta hindise-sharciyeedyada horyaalla Golaha Aqalka Sare.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda laga helo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Dakhliga. Doodda ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qodobbada qeexaya qaab-dhismeedka hay’adda, awoodaha iyo shaqooyinka loo igmanayo, iyo habka ay u gudan doonto waajibaadkeeda.

Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda weydiiyay su’aalo kala duwan oo la xiriiray qodobbada hindise-sharciyeedka ee u baahan caddayn iyo faahfaahin dheeraad ah. Waxay sidoo kale soo bandhigeen aragtiyo iyo talooyin lagu xoojinayo nuxurka sharciga, si meesha looga saaro qodobbada mugdiga ku jira loona xaqiijiyo in waajibaadka iyo awoodaha hay’adda cusub si cad loo qeexo.

Guddiga ayaa muhiimad gaar ah siinaya in hindise-sharciyeedka lagu sameeyo sixitaan iyo turxaan-bixin dhammeystiran ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha xiga ee habraaca sharci-dejinta. Arrintan ayaa looga gol leeyahay in sharcigu noqdo mid waafaqsan dastuurka, isla markaana ka jawaaba baahiyaha dalka ee la xiriira maamulka iyo ururinta dakhliga.

Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Aqalka Sare uu ku hubinayo in hindise-sharciyeedyada la horgeeyo Baarlamaanka lagu saleeyo xog, wadatashi iyo faham dhammaystiran, si loo helo sharciyo tayo leh oo taageeraya hufnaanta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billado guddoonsiiyay hay’adihii hormuudka ka noqday waxqabadka dowladda

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Fariisimaha Hore ee Ciidamada ee Baydhabo

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Fariisimaha Hore ee Ciidamada ee Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray Fariisimaha Hore ee Ciidamada ee Baydhabo

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News