MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in xukuumaddu ay dhowaan dib u eegis ku samayn doonto xaaladaha maxaabiista u xiran deymaha iyo dembiyada fudud, si kiisaskooda loogu helo xalal caddaaladeed oo waafaqsan sharciga.
Saalax Axmed Jaamac ayaa arrintan kaga dhawaaqay furitaanka Shirweynaha Qaran ee Dib-u-habaynta Xabsiyada iyo Horumarinta Adeegyada Asluubta, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirweynaha waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka asluubta dalka, tayeynta adeegyada loo fidiyo maxaabiista iyo dib-u-habaynta xarumaha dadka lagu hayo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la hagaajiyo maamulka iyo adeegyada xabsiyada, isla markaana la xaqiijiyo in xarumahaasi u shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda dalka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Waxa uu tilmaamay in ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo dhowrista karaamadoodu ay muhiim u yihiin dhismaha hannaan caddaaladeed oo ku salaysan sarreynta sharciga, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-eegista xaaladaha dadka u xiran deymaha iyo kiisaska fudud. Sida uu sharaxay, dib-u-eegista la qorsheeyay waxay ujeeddadeedu tahay in kiis kasta loo wajaho si sharciga waafaqsan, iyadoo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee qofka ay khusayso, loona raadinayo xal ku habboon oo caddaalad ah.
Dowladda ayaa dib-u-habaynta xabsiyada ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu wanaajinayo helitaanka caddaaladda, lagu dhowrayo xuquuqda aadanaha, laguna xoojinayo hay’adaha sharciga dalka.
Shirweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo hay’adaha caddaaladda iyo maamulka xabsiyada, oo ay ku jiraan habka loola dhaqmo dadka xiran iyo heerarka adeegyada xarumaha asluubta.













