Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Saadaq Cumar Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo sidoo kale xilalka isu weydaariyay laba wasiir ku-xigeen.
Magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga ayaa timid kaddib markii uu xilkaas banneeyay Axmed Macallin Fiqi, sida lagu sheegay qoraalka magacaabista.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Ra’iisul Wasaaruhu go’aankiisa u cuskaday qodobka 120-aad, farqadihiisa labaad iyo saddexaad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo lagu sheegay inuu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taariikh-nololeedka iyo khibradda mas’uulka la magacaabay, iyo baahida loo qabo buuxinta xilka Wasiirka Gaashaandhigga.
Isku shaandhaynta labada wasiir ku-xigeen ayaa kala ah in Cali Ifiye Cali loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Maryan Cali Abuukar loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta la magacaabay faray inay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda. Waxa uu kula dardaarmay hufnaan iyo gudashada waajibaadka qaranka, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadaha culus ee horyaalla.













