Weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz ayaa walaac cusub ku abuuray mustaqbalka wada-hadallada nabadeed ee u socda Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo marinkan uu weli yahay qodobka ugu muranka badan ee labada dhinac.
Hay’adda ganacsiga badaha ee Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal sida uu dab qabsaday ka dib markii uu ku dhacay gantaal ama walax kale oo aan la aqoonsan, xilli uu marayay meel qiyaastii 15 kiiloomitir u jirta xeebta Limah ee dalka Cumaan.
Warbaahinta Axios, oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ay ugu yaraan laba gantaal ku rideen maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz.
Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah maraakiibta uu yahay markab LNG ah oo laga leeyahay Qatar, kaas oo lagu magacaabo Al Rekayyat, halka markabka labaad la sheegay inuu yahay booyad shidaal oo sidata calanka Sacuudiga.
Shaqaalaha markabka Qatar ayaa la xaqiijiyay inay badbaadeen, inkastoo dab ka kacay qolka matoorka uu sare u qaaday halista qarax.
Ilo-wareedyo ku sugan Tehran ayaa sheegay in markabka Qadar laga yaabo inuu galay goob ay ciidamada Iran ka wadeen hawlgallo lagu nadiifinayo miinooyinka badda, taasoo laga yaabo inay sababtay weerarka.
Marinka Hormuz ayaa ah marin istaraatiiji ah oo isku xira dalalka Khaliijka iyo Badweynta Hindiya, waxaana Kahor dagaalka, maalin kasta mari jiray 120 illaa 140 markab, kuwaas oo badankood qaadayay ku dhowaad 20 milyan oo foosto oo shidaal ah, taasoo u dhiganta ku dhawaad 20% shidaalka iyo gaaska dunida.
Intii uu socday dagaalka u dhexeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, isu socodka maraakiibta ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo mararka qaar ay maalin kasta mari jireen laba markab oo keliya.
Inkastoo tirada maraakiibtu dib u soo kordhay toddobaadyadii u dambeeyay, haddana shirkadaha maraakiibta ayaa weli ka walaacsan amniga marinka, waxaana arrintani ay
Saameyn ku yeelan kartaa wadahadallada nabadda, maadaama ay Weerarradani dhaceen iyadoo Mareykanka iyo Iiraan ay ku jiraan wada-xaajoodyo lagu doonayo heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka billowday 28-kii Febraayo.













