Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday in Afrika la siiyo kuraas joogto ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, iyadoo Soomaaliya ay taageertay dadaallada dib-u-habeynta nidaamka caalamiga ah ee maamulka iyo go’aan gaarista dunida.
Baaqan ayaa lagu soo bandhigay shir heer sare ah oo looga hadlayay dib-u-habeynta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana mid ahaa kulamada ka socday shirka caalamiga ah ee Africa Forward Summit 2026.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abdisalam Abdi Ali ayaa hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibril Ibrahim Abdulle iyo diblomaasiyiin kale oo sare.
Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtigii la joogo ay lama huraan tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeesho qaab ka turjumaya xaqiiqada siyaasadeed iyo juqraafiyeed ee maanta jirta, gaar ahaan iyadoo Afrika ay tahay qaaradda ugu badan ee saameynta ku leh go’aannada Golaha Ammaanka, balse aan lahayn kursi joogto ah oo leh awoodda codka diidmada qayaxan (Veto Power).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dib-u-habeynta Golaha Ammaanka ay muhiim u tahay xaqiijinta sinnaanta caalamiga ah iyo kor u qaadista codka dalalka soo koraya, gaar ahaan waddamada Afrika ee muddo dheer cabashada ka qabay nidaamka hadda jira.
“Afrika codkeeda lama sii indho tiri karo,” ayay ahayd fariinta ugu weyn ee Soomaaliya ay ku gudbisay shirka, iyadoo Muqdisho ay si buuxda u taageertay mowqifka Midowga Afrika ee ku aaddan in qaaraddu hesho kuraas joogto ah iyo matalaad dheeraad ah oo Golaha Ammaanka ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hadda ka kooban shan dal oo joogto ah oo leh awoodda diidmada qayaxan — Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska — halka tobanka xubnood ee kale ay yihiin kuwo aan joogto ahayn oo muddo labo sano ah lagu doorto. Dalalka Afrika ayaa muddo dheer ku doodayay in qaabkan uu kasoo haray nidaamkii dagaalkii labaad ee adduunka kadib, islamarkaana aanu ka tarjumeyn dunida maanta jirta.
Shirka Africa Forward Summit ee Nairobi ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, kobaca dhaqaalaha Afrika, maalgashiga, iskaashiga Afrika iyo Yurub, iyo sidii qaaraddu cod mideysan uga yeelan lahayd arrimaha caalamiga ah. Waxaa shirkan guddoominayay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Dadaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu si rasmi ah ugu fadhiyo kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee muddada 2025–2026, taas oo loo arko guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo Soomaaliya dib ugu soo celineysa masraxa siyaasadda caalamiga ah.











