Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026, guddoomiyey shir Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ay ku yeesheen qaab fogaan-arag ah. Shirka waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, madaxda dowlad-goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Goluhu wuxuu ka dooday xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan midnimada iyo wadajirka dhuleed, xaaladda abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo dardargelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Kadib dood dheer, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu soo saaray qodobadan:
-
Golaha wuxuu si buuxda u taageeray Dowladda Federaalka Soomaaliya gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta gobannimada, sharafka, iyo midnimada dhuleed iyo bulsho ee dalka.
-
Golaha wuxuu bogaadiyey qabsoomidda doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad-goboleedyada.
-
Golaha wuxuu soo dhaweeyey taageerada Golaha Mustaqbalka ee ku aaddan gogosha wadatashiga qaran ee ay Xukuumaddu ku baaqday 1-da Febraayo 2026.
-
Golaha wuxuu ammaanay guulaha ay ciidamada qalabka sida, oo ay garab taagan yihiin shacabka, ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
-
Golaha wuxuu ku baaqay gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
-
Ugu dambeyn, Golaha wuxuu uga mahadceliyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, OIC, Jaamacadda Carabta, IGAD, iyo saaxiibada caalamka ee taageera madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.








