Nin ka tirsana dadkii ka soo qeyb galay hadal jeedinta Ilhaan Cumar ayaa fowdo ka sameeyay kulan ay dadweynaha la yeelanaysay xildhibaanad Ilhaan Cumar, kadib markii uu ku rusheeyay dareere aan la garanayn waxa uu yahay oo lahaa ur xun.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis Talaadadii, xilli ay xildhibaanaddu dhaliilaynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ka socda gobolka Minnesota.
Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere. Nin kale oo weyn ayaa islamarkiiba qabtay, dhulka ku tuuray kana hor istaagay.
Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in saraakiishii goobta joogtay ay arkeen ninka oo isticmaalaya irbad si uu ugu buufiyo dareere aan la garanayn waxa uu yahay. Booliisku waxay si degdeg ah u xidheen ninkaasi iyaga oo ku eedeeyay weerar darajada saddexaad ah, waxayna sheegeen in Ilhaan aanu wax dhaawac ah soo gaadhin. saynisyahanno ayaa goobta yimid si ay u baadhaan dhacdada, sida ay booliisku sheegeen.
“Walax ayuu ku buufiyay,” ayay cod la maqli kao ku tidhi haweeney ka qaybgashay kulanka dadweynaha, halka ugu yaraan gabadh kale ay sheegtay in ay jirtay ur xun oo ka imanayey dareerahaasi. Ilhaan ayaa tidhi “waxaan u baahan nahay masarka wax lagu tirtiro,” xilliga ninkaasi goobta laga saarayay, ka hor inta aanay ku darin, “Waan sii wadeynaa.”
Qoraal ay soo dhigtay barta X, Ilhaan waxay ku tiri: “Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof badbaaday, marka kicintan yar ima cabsigelin doonto inay iga horjoogsato gudashada shaqadayda. Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha inay guuleystaan.”
Dhacdada ka dib, Ilhaan ayaa dadka hoolka joogay u sheegtay “waan sii wadi doonnaa… Minnesota ayaanu nahay kuwo xooggan”.










