Muqdisho – May 11, 2026 – Xildhibaan Faiza Maxamed Jeyte ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo si gaar ah uga digtay xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan caasimadda iyo caburinta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Shirka oo ay garab taagnaayeen siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, ayay Xildhibaan Faiza si adag uga hadashay xaaladda amni ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, isu soo baxa shacabka, iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Muuqaalka laga baahiyay warbaahinta ayaa muujinayay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo ka walaacsan xaaladda cakiran ee magaalada, gaar ahaan cabsi laga qabo isku dhacyo ka dhasha bannaanbaxyada siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ammaanka.
Xildhibaan Faiza ayaa hadalkeeda ku adkeysay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda siyaasadeed si nabad ah, iyadoo ugu baaqday dowladda federaalka inay ka fogaato tallaabo kasta oo horseedi karta qalalaase iyo rabshado.
Sidoo kale, waxay ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda siyaasadda inay muujiyaan dulqaad iyo wada hadal, si looga hortago xaalad amni darro oo saameyn ku yeelata shacabka Muqdisho.
Wararka siyaasadeed ee maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxayay Muqdisho ayaa tilmaamayay inuu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo qaar kamid ah mucaaradka, xilli laga cabsi qabo in bannaanbaxyo siyaasadeed ay ka dhacaan magaalada.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in hadallada kasoo baxaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo jawaabaha dowladda ay sare u qaadeen xiisadda siyaasadeed, taas oo keeni karta xaalad amni oo adag haddii aan xal wada hadal ah la helin.
Shirka jaraa’id ee ay jeedisay Xildhibaan Faiza Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni iyo feejignaan dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada dowladda.














