Xigasho BBC Somali
Iyadoo warbaahinno kala duwan ay faafiyeen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hawadeeda u diidday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda, Arkia ee laga leeyahay Israa’iil, ayaa waxey dowladda federaalka Soomaaliya markii ugu horreysay ay sheegtay in warkaasi aadka u baahay uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan qaadin tallaabo diyaarad Israa’iil leedahay loogu diidayo hawada Soomaaliya: “Wararka sheegaya in shirkadda Arkia (oo laga leeyahay Israa’iil) laga hor istaagay ama laga gaabiyey codsi cusboonaysiin waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. DFS ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama ka mamnuucday isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista,” ayuu ku yiri qoraal uu nala wadaagay, Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha,Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere).
Halkaan Riix si aad u akhriso….











