Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida Somaliland Maxamed Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay askar ayaa ka hadlay joogitaanka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa “xasarad wadaan” wuxuuna baaq u diray shacabka Laascaanood, isagoo yiri: “Waxaan leeyahay diyaarad bey ku yimaadeen shalay galab, galabtana diyaarad bey ku tagayaan. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa nimaan kuu fureynin yaanu kuu rarin, waxaan leeyayay reer Laascaanood, Xasan wuu tagayaa laakiinse hareeraha waxaa idinka xiga Somaliland iyo Puntland oo la idiin kala tagayo,” ayuu yiri.
“Waxay halkan u yimaadeen kala qeybin iyo inay bulshada ku abuureen dhibaato iyo colaad.” Ayuu intaa ku daray.
Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ku sugan wufuud isugu jirta madax ka socota dowladda federaalka ah, madax dhaqameed iyo dadyow kale oo dhamaantood ka qayb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.
Madaxweyne Firdhiye ayaa la doortay shan bilood ka hor, waxaana muddo la sugayay tagitaanka Madaxweyne Xasan ee Laascaanood.









