Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay in “nidaamkii hore ee caalamka uusan dib u soo laaban doonin,” wuxuuna ku boorriyey dalalka awoodda dhexe leh inay midoobaan, isagoo hadal ka jeediyey Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee Davos, Iswiiserlaand.
“Dalalka awoodda dhexe leh waa inay wada shaqeeyaan, maxaa yeelay haddii aynaan miiska wada-hadallada fadhin, annagaa noqonayna waxa la cunayo,” ayuu Carney yiri Talaadadii, isagoo intaas ku daray inuu aaminsan yahay in dalalka awoodda weyn ay isticmaalayaan cadaadis dhaqaale si ay u helaan waxa ay rabaan.
Sidoo kale, Carney wuxuu caddeeyey taageerada Canada ee Greenland, Denmark, iyo isbahaysiga NATO, taas oo keentay sacab iyo bogaadin.
Carney si magac ah uma xusin Donald Trump, balse qaar ka mid ah hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo si dadban ugu wajahan madaxweynaha Mareykanka, kaas oo ku hanjabaya inuu canshuuro saari doono xulafada Yurub iyo Boqortooyada Midowday (UK) haddii Greenland aan loo wareejin Mareykanka.
“Quwadaha waaweyn” badanaa waxaa lagu qeexaa dalalka leh kuraasta joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay — Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Mareykanka — taas oo muujinaysa awooddooda dhaqaale iyo milatari ee dunida.
Dalalka awoodda dhexe leh, sida Canada, Australia, Argentina, Kuuriyada Koonfureed iyo Brazil, waa dalal weli saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka, inkastoo dhaqaalahoodu ka yar yahay kan quwadaha waaweyn.
Khudbaddiisa, Carney wuxuu sheegay in dunidu ay “ku jirto kala-go’ weyn, ee aysan ahayn isbeddel tartiib ah.”
“Quwadaha waaweyn waxay bilaabeen inay u adeegsadaan isdhexgalka dhaqaale sidii hub, canshuuro (tariffs) sidii cadaadis, kaabeyaasha maaliyadeed sidii qasab, silsiladaha sahaydana sidii nuglaansho la ka faa’iidaysan karo,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay in “Canada ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee dareema digniinta” ah in juqraafi ahaan iyo xulafonimo taariikhi ahi aysan mar dambe damaanad qaadi karin amni ama barwaaqo.
Markii Trump mar kale xilka ku soo noqday, wuxuu si joogto ah Canada ugu yeeri jiray “gobolka 51aad,” wuxuuna ku hanjabay in Canada iyo Mareykanka la isku daro iyada oo loo marayo “xoog dhaqaale.” Kaddibna Mareykanku wuxuu saaray canshuuro aad u culus deriskiisa waqooyi iyo saaxiibkiisa ganacsi ee weyn.
Dhawaan, Trump wuxuu ku daray Canada ololihiisa ku aaddan la wareegidda dhulka Greenland oo ah dhul leh madax-bannaani qayb ah, arrintaas oo maalmihii u dambeeyey sii xoogaysanaysay isla markaana si cad loo muujinayey. Wuxuu bartiisa baraha bulshada ku soo bandhigay khariidad ay ku jiraan Mareykanka, Canada iyo Greenland, isagoo dusha ka saaray sawirka calanka Mareykanka.
Maaddaama Canada ay xubin ka tahay Ururka Heshiiska Waqooyiga Atlaantikada (NATO), waxay si adag ula garab taagan tahay Greenland iyo Denmark, waxayna taageeraysaa “xuquuqdooda gaarka ah ee ay u leeyihiin inay go’aamiyaan mustaqbalka Greenland,” ayuu Carney ku sheegay khudbaddiisa.
“Ballanqaadkayaga Qodobka Shanaad waa mid aan marna leexanayn,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku daray, isagoo tixraacaya qodob ka mid ah heshiiska NATO oo dhigaya in weerar lagu qaado hal dal oo xubin ah loo arko weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha.
Warbaahinta Canada ayaa toddobaadkan horraantiisii werisay in Canada ay ka fiirsanayso inay u dirto Greenland tiro yar oo ciidamo ah, kuwaas oo ku biiri doona ciidammada Denmark iyo dalal kale oo Yurub ah si ay uga qayb qaataan tababaro militari oo ka dhacaya gobolkaas.
Markii arrintaas wax laga weydiiyey magaalada Davos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Canada, Anita Anand, waxay tiri: “Si joogto ah ayaan uga qaybgalnaa tababarada NATO, sidoo kale waxaan ka qaybgalnaa tababarro ay hoggaaminayaan Ciidammada Canada laftoodu.” Waxay intaas ku dartay in Wasiirka Gaashaandhigga Qaranka iyo taliyaha guud ee ciidammadu ay go’aamiyaan dirista mustaqbalka.
BBC-da ayaa la xiriirtay Waaxda Gaashaandhigga Qaranka ee Canada si ay faallo uga hesho arrintan.
Carney wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in, si loola qabsado isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee caalamka, Canada ay hadda diiradda saarayso la shaqaynta dalal kale iyo dhisidda “isbahaysiyo kala duwan oo arrimo kala duwan ah, kuna salaysan qiyam iyo dano wadaag ah.”
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Canada ku tilmaamay lamaane “xasilloon oo lagu kalsoonaan karo,” wuxuuna xusay heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo dhawaan lala galay Shiinaha iyo Qatar, iyo sidoo kale heshiis ku saabsan iibka qalabka difaaca oo Canada la saxiixatay Midowga Yurub sannadkii hore.
Carney wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha caalamka ee toddobaadkan ka qaybgalaya Madasha Dhaqaalaha Adduunka. Trump ayaa isna la filayaa inuu jeediyo khudbaddiisa Arbacada.








