• ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY
Tuesday, October 6, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
  • CAALAMKA
  • ARIMAHA BULSHADA
    • All
    • Sports
    Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeybgaleysa Tartanka CECAFA U-17 Haweenka 2026

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    MUSASALKA QALBIGA DHINACIISA KALE

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • CAYAARAHA
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Kanada oo kaalin muuqata ka qaadanaysa Qaramada Midoobay, xilli Carney uu raadinayo saaxiibbo cusub

    Dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga Itoobiya iyo cabsi laga qabo soo noqoshada colaaddii Tigray

    Booqashada Xi Jinping ee Washington ayaa lagu tilmaamay inuu ku gacan sarreeyo wadaxaajoodyada Mareykanka

    Duullaanka Xuutiyiinta oo tijaabinaya xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga iyo xasilloonida Khaliijka

    Madaxweynaha Iran oo Qaramada Midoobay u sheegay Trump: “Marnaba madaxa uma foorarin doonno”

    Trump oo madasha QM uga hanjabay Iran, isla markaana sheegay inay jirto fursad heshiis nabadeed

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • MUUQAALO
  • ENGLISH NEWS
No Result
View All Result

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug

Qaranimo Online Editor by Qaranimo Online Editor
May 11, 2026
in WARARKA MAANTA
0
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug
0
SHARES
8
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho – May 11, 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiin dowladeed oo kasoo jeeda Gobolka Mudug, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, amniga iyo xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda iyo bulshada rayidka ah, gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka oo door weyn ka qaata ilaalinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiintu ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo taageeridda dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, isla markaana leh nidaam dowladeed oo shaqeynaya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an taageeridda dadaallada nabadeed iyo xoojinta wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka waa laf-dhabarta bulshada, waxayna door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo isku duubnida ummadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Mudug ayaa dhankooda muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka ay ku hirgelinayso doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka bilaabmay gobollada dalka.

Waxay sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha la wadaageen baahiyaha iyo caqabadaha ka jira deegaannada ay kasoo jeedaan, iyagoo codsaday in dowladda Federaalka ay dardargeliso adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda xaaladaha amni iyo colaadeed ee mararka qaar ka dhaca Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si gaar ah ugu baaqay in xoogga la saaro nabadaynta Gobolka Mudug, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka.

Waxa uu xusay in bulshada Mudug ay leeyihiin taariikh, dhaqan iyo derisnimo mideeya, taas oo muhiim ka dhigeysa in laga shaqeeyo nabad waarta iyo iskaashi bulsho.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballanqaaday inay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowladnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo Ballan-qaaday Xallinta Tabashooyinka Bulshada iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Shacabka

Next Post

Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Xasaasi ah ku Qabtay Muqdisho, Kana Digay Xiisado Siyaasadeed iyo Amni

Qaranimo Online Editor

Qaranimo Online Editor

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Xasaasi ah ku Qabtay Muqdisho, Kana Digay Xiisado Siyaasadeed iyo Amni

Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Xasaasi ah ku Qabtay Muqdisho, Kana Digay Xiisado Siyaasadeed iyo Amni

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

qaranimo.com

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

Navigate Site

  • ABOUT US
  • CONTACT US
  • HOME
  • MUUQAALO | VIDEOS
  • PRIVACY + POLICY

Follow Us

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • News