Xigasho BBC | Natasha BootyAuthor,Richard
…………………………………..
In ka badan 6,000 oo qof ayaa lagu dilay saddex maalmood gudaheed markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada El-Fasher sanadkii hore, sida laga soo xigtay dhibanayaasha iyo goob joogayaal lagu daabacay warbixinta Qaramada Midoobay.
“Waxay u egtahay muuqaal laga soo duubay filim argagax leh,” ayuu dib u xusuustay qof arkay meydad hawada lagu tuuray markii dagaalyahannada RSF ay rasaas ku fureen 1,000 qof oo gabaad ka dhiganayay dhismo jaamacadeed bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Warbixintu waxay soo xiganaysaa cadaymo muujinaya dilal wadareedyo, xukun dil ah oo kooban, jirdil, afduub iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo lagula kacay dadka rayidka ah. Kuwaani waxay isugu jiraan dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadminimada, ayay tiri.
RSF kama aysan hadlin warbixinta balse waxay beenisay eedeymahan oo kale.
Suudaan waxa ay weli waxay dhexda uga jirtaa ku dhawaad saddex sano dagaal awoodeed ah oo u dhexeeya ciidanka caadiga ah iyo kuwa RSF-ta. Dagaalka sokeeye ee socda ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof, wuxuuna ku qasbay in ka badan 13 milyan oo qof in ay guryahooda ka qaxaan. Tacaddiyada galmada ee baahsan ee ka dhanka ah ragga, haweenka iyo carruurta ayaa loo adeegsaday sida hubkii.
RSF iyo ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa lagu eedeeyay gabood fallo.
Maraykanka iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa aaminsan in RSF iyo xulafadeeda ay gobolka galbeedka darfuur ka wadaan xasuuq ay ku hayaan dadka Massalit iyo bulshooyinka kale ee aan Carabta ahayn, laakiin warbixinadii u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa ka gaabsaday inay tilmaamaan arrintan.
El-Fasher, oo ah magaalo muhiim ah oo ku taal Darfur, waxay horay u gashay 18 bilood oo go’doon joogto ah. Waa halka ay ka soo baxeen qaar ka mid ah sheekooyinka ugu foosha xun ee dagaalkan.
Dhawrkii maalmood ee u horeeyay weerarkii El-Fasher, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in “ugu yaraan 4,400 oo qof lagu dilay” gudaha magaalada, iyo “in ka badan 1,600 oo kale oo lagu sii dilay waddooyinka laga baxo markii ay carareen”.
“Baaxadda dhabta ah ee tirada dhimashada inta lagu guda jiray weerarka qaatay muddo toddobaad ah ayaa shaki la’aan aad u sarreeysa,” ayay warbixintu intaas ku dartay.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk, ayaa cusboonaysiiyay baaqyada uu ugu baaqayo dhammaan dhinacyada Suudaan inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada ba’an ee ay ku kacayaan ciidamada ka amar qaata.
Cadaadiska caalamiga ah ayaa sii kordhayay oo ku wajahan kuwa taageersan iskahorimaadkan si ay meesha uga saaraan.
Imaaraatka ayaa beeniyay sheegashada baahsan ee ah in ay yihiin kuwa ugu badan ee hubka siiya dagaalyahanada RSF.
Toddobaadkii hore, UK ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay lix qof oo muhiim ah oo ay ku sheegtay inay hurinayaan dagaalka Suudaan – oo ay ku jiraan taliyeyaasha sare ee ciidamada iyo RSF-ta, iyo sidoo kale saddex nin oo ajnabi ah oo lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen qorista calooshood u shaqeystayaal Colombian ah oo u dagaalama RSF.
Qorshe lagu dhisayo dowlad falaago ah oo ka soo horjeedaan tan Sudan ayaa waxaa ku dhawaaqay isbaheysi xiriir la leh RSF, oo lagu magacaabo Isbaheysiga Aasaaska Suudaan.
Midowga Afrika ayaa diiday qorshayaashaas, isaga oo ka digay in tallaabadan ay halis ku tahay rajo kasta oo midnimo laga qabay.











